Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ruushka oo si adag ugu digay Mareykanka
    Somalia

    Ruushka oo si adag ugu digay Mareykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 17, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Russia,ayaa Khamiista maanta ah uga digtay Mareykanka inay Moscow ay halka uu mudan yahay dhigi doonto dalka ah quwadda koowaad ee adduunka, ayada oo ku eedeysay Reer Galbeedka inay abuurayaan shirqool Ruushiyaan naceyb oo lagu kala dhantaalayo Ruushka.

    Dmitry Medvedev, oo 2008 illaa 2012 ahaa madaxweynaha Ruushka, haddana ah xoghaye ku-xigeenka Golaha Ammaanka Ruushka, ayaa sheegay in Mareykanka ay kiciyeen Ruushiyaan naceyb “laga yaqyaqsiyoodo” si ay jilbaha ugu dhigaan Russia.

    “Taasi ma shaqeyn doonto – Russia waxay dhammaan cadowgeeda dhigi doontaa halka ay mudan yihiin,” ayuu yiri Medvedev.

    Tan iyo markii Russia ay ku duushay Ukraine 24-kii Febraayo, Mareykanka iyo xulufadiisa Yurub iyo Asia ayaa cunaqabatayno xooggan kusoo rogay hoggaamiyayaasha Russia, shirkadaha, iyo gacasatada, waxayna Moscow ka gooyeen inta badan dhaqaalaha adduunka.

    Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in waxa uu ugu yeeray howlgal militari oo gaar ah oo ka socda Ukraine uu yahay lagama maarmaan, sababtoo ah Mareykanka wuxuu Ukraine u adeegsanayey inuu halis geliyo Russia, waxaana Russia qasab ku noqday inay difaacdo “xasuuqa” ka dhanka ah dadka ku hadla luuqadda Ruushka ee Ukraine.

    Ukraine waxay sheegtay inay u dagaalmaeyso badbaadinta jiritaankeeda, islamarkaana sheegashooyinka Putin ee xasuuq ay yihiin wax aan jirin. Reer Galbeedka ayaa iyaguna sheegay in hadalka ah inay doonayaan inay kala dhantaalaan Russia uu yahay qiyaali.

    Russia waxa ay sheegtay in inkasta oo la saaray cunaqabatayno, haddana ay xaalad wanaagsan ku sugnaan karto ayada oo aan u baahan Reer Galbeedka iyo Mareykanka “khiyaanada badan.”

    Waxa ay intaas ku dartay in isku daygeedii ahaa inay xiriir wanaagsan la yeelato Reer Galbeedka kadib burburkii Midowga Soviet ee 1991-kii uu hadda dhammaaay, ayna xiriir wanaagsan hadda kadib la hormarin doonto quwadaha kale ee caalamka, sida Shiinaha.

    REUTERS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.