Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ruushka wuxuu qorsheynayaa dagaalkii ugu weynaa tan iyo 1945
    Somalia

    Ruushka wuxuu qorsheynayaa dagaalkii ugu weynaa tan iyo 1945

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 20, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisal wasaaraga Britain, Boris Johnson, ayaa sheegay inay hayaan caddeym muujinaya in Ruushka uu qorsheynayo “dagaalkii ugu weynaa ee Yurub ka dhaca tan iyo 1945-tii.”

    Johnson oo waraysi siiyay BBC ayaa sheegay in “astaamaha oo dhan ay muujinaya in qorshahaas uu hadda si ahaan dhaqangalay.”

    Hogaamiyahan ayaa intaa raaciyay in xogta sirdoonka ay muujinayso in Ruushka uu billaabi rabo duullaan uu dhinac kasta uga go’doomin doono caasimadda Kyiv.

    “Dadku waa in ay fahmaan khasaaraha bani’aadannimo ee ka dhalan karta duullaanka noocaas ah,” ayuu yiri Johnson.

    Ra’iisal wasaaraha ayaa waraysiga bixiyay xilli uu ku sugnaa magaalada Munich, halkaas oo ay hogaamiyayaasha caalamka ku leeyihiin kulan sanadle ah oo looga hadlo ammaanka.

    Qiyaastii ugu dambeysay ee uu shaaciyay Maraykanka ayaa tilmaamaysa in ciidan gaaraya 190,000 oo askari uu Ruushka geeyay xuduudda uu la wadaago Ukraine iyo weliba gudaha Belarus.

    Hogaamiyayaasha reer Galbeedka ayaa maalmihii la soo dhaafay ka digayay in Ruushka uu duullaankiisa billaabi karo xilli kasta, balse xukuumadda Moscow ayaa beenisay inay weerar ku tahay dalkaas.

    Saddex aag oo uu Ruushka ka billaabi karo duullaanka milateri ee la rumaysan yahay inuu ku qaadi rabo Ukraine ayaa kala ah:

    Bariga Ukraine
    Waxaa si weyn indhaha loogu hayaa gobollada Donetsk iyo Luhansk ee ku yaalla bariga Ukraine balse sheegay inay ka go’een dalkaas. Tan iyo sanadkii 2014, waxaa deegaannadaas ku dagaallamayay ciidamada Ukraine iyo fallaago gooni u goosad ah oo gacan ka helaysa Ruushka.

    Khubarada milateriga ayaa rumaysan in aaggan uu yahay kan ugu sahlan ee uu Ruushka ka billaabi karo duullaankiisa, maadaama uu horay u geeyay ciidan xooggan.

    Muuqaallo satellite lagu qaaday oo ay baahisay qaar kamid ah warbaahinta Galbeedka ayaa muujinaya in ciidamada Ruushka ay maalmihii la soo dhaafay wadeen dhaq-dhaqaaq ay ugu dhawaanayaan furimaha ay ku sugan yihiin ciidamada Ukraine.

    Ruushka ayaa la rumaysan yahay in ciidan iyo hub uu ka daabulay saldhigga weyn ee Yelnya uu geeyay gobolka Bryansk ee u dhaw Ukraine. Qiyaastii 700 oo taangi ayaa la rumaysan yahay inay hadda halkaa ku sugan yihiin.

    Ciidamada Ukraine ayaa difaacyo adag ka sameystay aaggaas, waxaana ay isu diyaarinayaan duullaan xilli kasta uga iman kara Ruushka.

    Belarus
    Ciidamo tiro badan oo todobaadkii la soo dhaafay uu Ruushka geeyay dalka Belarus oo xiriir wanaagsan la leh Moscow ayaa walaac xooggan ku abuuray dalalka Galbeedka.

    Ruushka iyo Belarus ayaa toban maalmood ka hor shaaciyay in ciidamadooda ay wadajir u sameynayaan dhoolatus milateri.

    Waxaa la rumaysan yahay in Ruushka uu ciidamadii ugu badnaa tan iyo dagaalkii qaboobaa uu u diray Belarus, iyadoo uu xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg, ku dooday in ciidankaas ay gaarayaan “30 kun oo ay kamid yihiin kuwa hawlgallada gaarka ah fuliya ee Spetsnaz loo yaqaan iyo diyaaradaha dagaalka ee SU-35.”

    Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegtay in dhoolatuska oo loogu magac daray “Allied Resolve-2022,” uu qeyb ahaan ka hortagi doono “Cadowga dibedda.”

    Crimea
    Ruushka ayaa Crimea xoog kula wareegay sanadkii 2014, waxaana ay kamid tahay aaggaga la tuhunsan yahay in xukuumadda Moscow ay u adeegsan karto duullaan ka dhan ah Ukraine.

    Muuqaallo lagu duubay satellite ayaa muujinaya in Ruushka uu ciidan iyo hub badan geeyay caasimadda Crimea ee Simferopol.

    Isla maalinta muuqaalka la helay ayaa waxaa sidoo kale la ogaaday in Ruushka uu dhowr markab oo dagaal geeyay dekadda ugu weyn Crimea ee Sevastopol. Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa Khamiistii baahisay sawiradda lix maraakiibta dagaalka ah oo ku xirtay dekeddaas.

    Ciidanka badda ee Ukraine oo arrintaas ka jawaabaya ayaa sheegay in Ruushka uu aag milateri ka dhigay badda madow, si uu cadaadis u saaro xukuumadda Kyiv iyo caalamkaba.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.