Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sacuudiga Oo martigelinaya Shirweyne Carabta iyo Shiinaha ah
    Somalia

    Sacuudiga Oo martigelinaya Shirweyne Carabta iyo Shiinaha ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 1, 2022Updated:December 1, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sucuudiga,ayaa qorshaynaya inuu bisha December 9-keeda marti geliyo shir-madaxeed ay isugu imanayaan Shiinaha iyo dalalka Carabta, kaas oo la filayo inuu ka soo qaybgalo madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyeen illaa saddex diplomaasi oo Carbeed oo ku sugan gobolka oo xog badan ka haya qorshaha shirkan.

    Madaxweynaha Shiinaha ayaa la filayaa inuu Riyadh soo gaadho bisha December 7-deeda, waxaana safarka madaxweyne Xi Jinping uu ku soo beegmayaa xilli ay xiisadi ka dhex taagan tahay Maraykanka iyo Sucuudiga, taas oo salka ku haysa dhinaca Shidaalka iyo weliba walaaca ku saabsan saamaynta Shiinaha ee bariga dhexe oo sii kordhaysa.

    Waxaa marti-qaadyo loo diray hoggaamiyayaasha bariga dhexe iyo woqooyiga Afrika, si ay uga qayb galaan shir madaxeedka Shiinaha iyo Carabta, sida ay diblomaasiyiintu u sheegeen Reuters.

    Xafiiska warfaafinta ee Sucuudiga iyo Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Shiinaha oo loo diray fariimo wax lagaga weydiinayo safarka madaxweynaha Shiinaha iyo shir-madaxeedkan ayaan ka soo jawaabin.

    Weftiga Shiinaha ayaa la filayaa inay heshiisyo badan la galaan madaxda ka soo qaybgelaysa shirka, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhinaca Tamarta, ammaanka, iyo maalgashiga, sidaas waxaa sheegay qaar ka mida diblomaasiyiinta oo aan faahfaahin intaas ka badan bixinin.

    “Heerka metelaaddu wuxuu ku xidhnaan doonaa cidda uu dal waliba soo dirsado, iyo tirada hoggaamiyayaasha Carabta ee la filayo inay kulankaas ka soo qaybgalaan, waxaana la filayaa in dalalka qaarkood ay ugu yaraan soo diraan wasiiradooda arrimaha debedda” ayuu yidhi mid ka mida diplomaasiyiinta la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.