Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Safiirka UK oo ka hadlay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Puntland+VIDEO
    Puntland

    Safiirka UK oo ka hadlay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Puntland+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 16, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ben Fender OBE, ayaa ka hadlay Xaalada Siyaasadeed iyo mida amni ee Soomaaliya, Isagoona sheegay inay Muhiim tahay inay muhiim tahay in Soomaaliya ay ka dhacdo Doorasho waqtigii loogu tala-galay.

    Danjire Ben Fender OBE, oo maanta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay Madaxweyne Deni ka wada-hadleen Arrimo ay kamid yihiin Xaaladaha amni iyo Siyaasadeed ee Soomaaliya, Taageerada UK ee Soomaaliya, Soo celinta Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada iyo Qabsoomida Doorashada Soomaaliya waqtigii loogu tala-galay.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/1247725932101993/

    “Waxaan yeelanay wada hadal miro dhal ah sida Madaxweynuhu sheegay, wuxuuna ku saabsana Iskaashiga ka dhexeeya Puntland iyo UK, Xiriirkaasi oo ah mid qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya, sida Horumarka dhaqaalaha , Shaqo abuurka, Gargaarka Baniáadanimo, Iskaashiga dhanka Siyaasada iyo arrimo kale oo badan” ayuu yiri Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya

    “Sidoo kale waxaan wada hadalo miro dhal ah ka yeelanay , sida ay muhiim u yihiin Doorashooyin ku qabsoomada xiligooda sanadka danbe, iyo in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu heshiiyo hanaanka Doorashada, aysana ka dib dhicin dhammaadka sanadkan iyo inaan hubino in dib loo soo celiyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah” ayuu yiri Danjire Ben Fender OBE oo ka hadlay Shir Jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.