Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Saraakiil Shabaab ka tirsan Oo lagu dilay Dukhayn Diyaaradeed
    Somalia

    Saraakiil Shabaab ka tirsan Oo lagu dilay Dukhayn Diyaaradeed

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 10, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Militariga Mareykanka ayaa sheegay in tiro ka mid ah maleeshiyada ururka al-Shabaab ee Soomaaliya ay ku dileen duqeyn ay khamiistii shalay ka fuliyeen meel ka mid ah gobolka Baay.
     
    Afhayeen u hadashay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee –Pentagon- oo la yiraahdo Aricia Harris ayaa sheegay in duqeyntaas oo ay geysatay dayuurad Drone ah ay ka dhacay meel qiyaastii 160 km galbeedka kaga beegan magaalada Muqdisho.
     
    Harris waxey intaasi ku dartay in cid rayid ah aysan wax ku noqon duqeynta.
     
    Sida uu shaaciyay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee (AFRICOM), duqeynta ayaa dhacday abaare saddexdii galabnimo xilliga Soomaaliya, iyadoo ay isla abaabuleen Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya.
     
    Warka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu yiri “Ciidamada Mareykanku waxey sii wadayaan inay adeegsadaan awood kasta oo ay heli karaan iyo talaabo kasta oo ku haboon – si ey u difaacaan danaha iyo ammaanka Mareykanka, islamarkaana ay u curyaamiyaan halista argagixisada.”
     
    Duqyntan ayaa imaaneysa wax ka yar toddobaad markii Mareykanku uu duqeyn la beegsaday maleeshiyada Daacish ee ku suggan buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland, gaar ahaan tuulada Buqo oo 60 km koonfur ka xiga Qanadala.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.