Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadii xooga dalka oo dacwad looga soo oogay Maraykanka
    Somalia

    Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadii xooga dalka oo dacwad looga soo oogay Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 15, 2019Updated:May 16, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Nin Soomaali ah oo deggan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa maxkamad rayid lala koray, ayada oo lagu eedeynayo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo uu gaystay xilli uu sarkaal sare ka ahaa dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

    Dacwad madani oo ka dhan ah Yuusuf Cabdi Cali ayaa toddobaadkan ka billaabatay maxkamadda federaalka ee magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, waxaana la koray Farhan Mohamoud Tani Warfaa.

    Farhan ayaa ku eedeeyey Yuusuf inuu jir-dilay, islamarkaanauu geeri ku sigtay sanaddii 1988-kii.

    Dacwaddan ayaa lagu sheegay in Yuusuf uu ahaa taliye ku tirsan Guutada Shanaad ee Ciidamadii Xoogga Dalka ee ku sugnaa Somaliland.

    Yuusuf ayaa lagu eedeeyey inuu Farhan iyo rag kale oo dad’yar xiray 1987-kii, isaga oo wax ka weydiinaya haan biyo oo la waayey.

    Farhan ayaa sheegay inuu dhowr bil xirnaa, markaasi oo dhowr mar dharka laga dhigay lana garaacay, sida uu sheegay.

    Farhan ayaa sidoo kale ku eedeeyey Yuusuf inuu dhowr mar toogtay islamarkaana askartiisa ku amray inay aasaan, isaga oo mooday inuu dhintay.

    Hase yeeshee, askartii ayaa garowsaday in Farhan weli nool yahay, waxayna kadib si qarsoodi ah ugu geeyeen qoyskiisa, ayaga oo taas ku beddeshay laaluush, sida lagu sheegay dacwaddan madaniga ah.

    Yuusf ayaa markii ay dowladdii Soomaaliya dhacday sanaddii 1991-kii u qaxay dalka Canada, hase yeeshee waxaa laga soo masaafuriyey markii taleefishinka CBC ee dalkaas uu barnaamij ka diyaariyey eedeymaha loo haysto.

    Wuxuu hadda muddo labaatan sano ka badan degan yahay gobolka Virginia.

    Qareenka u doodaya Yuusuf ayaa beeniyey dhammaan eedeymaha loo soo jeediyey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.