Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Sarkaal katirsan Itoobiya oo lagu dilay Laascaanood
    Puntland

    Sarkaal katirsan Itoobiya oo lagu dilay Laascaanood

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 20, 2025Updated:May 26, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sarkaal sare oo katirsanaa Qunsuliyadda Dowladda Itoobiya ee Garoowe, Laguna magacaabi jiray Faarax Caydiid Jaamac ayaa lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

    Faarax ayaa la xaqiijiyay in lagala baxay hoygii uu ka deganaa Laascaanood, iyadoo meydkiisa laga banaanka magaalada, xilli ay dushiisa ku yaalleen jirdil loo geystay iyo xabaddo lala dhacay.

    Maamulka Sool Bari ee ka arimiya Laascaanood ayaa weli ka hadlin dilka Faarax Caydiid, oo u muuqda mid qorsheysnaa.

    Laascaanood ayaa kamid ah meelaha ay saameynta ba’an ku leeyihiin kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Al-Shabaab oo in muddo ah dilal ka geysan jirtay magaalada.

    Xogo sirdoon oo dhowaan soo baxay ayaana cadeynaya in bilihii u dambeeyay ay Al-Shabaab u ahayd aag muhiim ah oo ay gabaad iyo marin u ah xubnaha argagixisada Al-Shabaab ee jooga buuraleyda Cal-madow ee Puntland.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.