Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Madaxweyne Camey oo Garoowe Ku Daah-furay Shirweynaha Dib u Eegista Mashruuca Horumarinta Degmooyinka Puntland ee JPLG.
    Somalia

    Sawiro:-Madaxweyne Camey oo Garoowe Ku Daah-furay Shirweynaha Dib u Eegista Mashruuca Horumarinta Degmooyinka Puntland ee JPLG.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 10, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta10 July, 2017 waxa uu caasimadda Garoowe ku daah-furay shirweynaha dib u eegista mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, shirkaas oo sanadkasta qabsooma isla markaana daba socdey shirarkii hore ayaa waxaa lagu gorfeeyaa tallaabooyinka dhinaca horumarka loo qaaday iyo guulaha laga gaaray mashruuca JPLG sanadkii tagay.

    Madaxweyne ku xigeenka waxaa shirka ku wehelinayey hay’adaha Qaramada Midoobey iyo wasaaradaha Dawladda ee ay sida wada jirka ah uga dhaxayso dhaqaajinta iyo hirgelinta qorshayaasha mashruuca JPLG, kuwaas oo kala ah Hay’adda UNDP, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Waxbarashada, Howlaha Guud, Maaliyadda iyo guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland.

    Dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee ku midaysan horumarinta iyo ka faa’iidaysiga mashruuca JPLG ayaa madasha shirka ka hadlay waxayna si qota dheer uga warameen mashruuca oo maraya heer gebo-gebo ah iyo sidii loo kordhin lahaa mudada mashruuca, caqabadaha taagan iyo sidii loo xallin lahaa, arrimaha muhiimka ah ee loo baahan yahay in lagu guulaysto iyo hirgelinta qorshayaashii waxqabad ee baaqday muddooyinkii lasoo dhaafay.

    Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey oo shirka si rasmi ah u daah-furay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay faa’iidooyinka iyo horumarka laga dhaxlay mashruucaJPLGisagoo caddeeyey in Dawladdu ay buuxsio markasta dawrka ay ku leedahay mashruuca isla markaana ay diyaar u tahay sixitaanka iyo dhaqaajinta qorshayaashii baaqday muddooyinkii lasoo dhaafay.

    Madaxweyne ku xigeenka ayaa u mahad celiyay hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka qayb qaata socod siinta mashruucan iyo dhammaan masuuliyiinta iyo hay’adaha kale ee Dawladda oo iyaga laftoodu kaalin muhiim ah ku leh mashruuca JPLG.

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐩-𝐞𝐱𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐛𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐩𝐬 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐰𝐢𝐧 $𝟏 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐬

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.