Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Madaxweyne Gaas oo dalka dib ugu soo laabtay
    Somalia

    Sawiro:-Madaxweyne Gaas oo dalka dib ugu soo laabtay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyna Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 15 September 2017  dalka dib ugu soo laabtay, kadib gudashada rukniga diiniga ah ee Xajka.

    Madaxweynaha iyo weftigiisa oo kaso degey magaalada Boosaaso ayaa waxaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaaladaasi, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, aqoon yahano iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweynaah dawladda Puntland ayaa ugu horayn ka warbixiyey socdaalkiisii dalka sucuudiga iyo dalka isutaga Imaaraadka Carabta oo uu soo maray, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in isaga iyo weftiga uu hogaaminayo ay dalka Sucuudiga u tageen gudashada waajibaadka Xajka .

     

     

     

    “Muddo sadex isbuuc ka badan waxaan jirney dalka Sucuudiga Arabia iyo dalka Imaaraadka oo aanu soosocod-kayagii soo marnay, dalka Sacuudi Arabia waxaanu u tagnay waxay ahayd gudashadii waajibaadka Xajka, si fiican bayna runtii noogu soo dhammaatay dalka iyo dadkana waan usoo ducaynay, Illahayna waxaan ka rajaynaynaa inuu anagana naga aqbalo gudashada Xajka, wixii duco ah ee aanu usoo niri dalka iyo dadkaba iyana waxaan rajaynaynaa in Alle naga aqbalo” ayuu yiri Madaxweyna dawladda Puntland.

    Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in isaga iyo wefti uu hogaaminayo ay soo mareen dalka Imaaraadka Carabta,  halkaasi oo ay u tageen arrimo la xidhiidha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland.

     

     

     

    Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in ay aad ugu farax san yihiin inay dib ugu soo noqdaan dalka oo nabadda, waxaana uu shacabka iyo masuuliyiinta dawladda Puntlandba ku bogaadiyey sida wanaagsan ee ay isaga kaashadeen sugidda amniga, horumarka iyo xasiloonida dalkooda.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka iyo masuuliyiinta dawladda Puntlandba inay Illaashadaan nabadda, xasiloonida, horumarka, kala danbaynta iyo midnimadooda, isla mar’ahaantaana ay meel uga soo wadajeestaan  cadawgooda.

    =DHAMMAAD=

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    October 21, 2025

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    October 21, 2025

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    October 21, 2025
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.