Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Madaxweyne Gaas Oo kormeeray xarumaha dowlada Ee Garowe
    Somalia

    Sawiro:-Madaxweyne Gaas Oo kormeeray xarumaha dowlada Ee Garowe

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 7, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay 7 May 2018 waxaa uu kormeer ku sameeyey qaar kamida xarumaha Dowladda Puntland ee ku yaala caasimada Garoowe,  xarumahaas oo ay ka mid ahaayeen xarunta Maxkamada sare, xarunta Wasaaradda Waxbarashada, xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, xarunta Wasaarada Warfaafinta, iyo xarunta laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeen waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Maxkamada sare ee Garoowe xili ay ka socotey shaqada maalin laha ah ee ay qabato xarunta maxkamada sare, halkaasi oo Madaxweynuhu kulan gaara kula qaatay Guddoomiyaha maxkamada sare, kulankaas oo ahaa mid xog waraysi iyo hanaanka ay usocoto shaqadu iyo sida ay ugu shaqeeyan bulshada.

    Xilgii madaxweynaha Dowladda Puntland uu ku guda jiray kormeerka ayaa madaxweynuhu waxaa uu mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee xarunta maxkamada sare, halkaas oo ay ku sugnaayeen shaqaalaha iyo shacabkii loo shaqeenayey, iyadoona Madaxweynuhu  is xog waraysi kadib uu kula dardaarmay shaqaalaha maxkamada sare ee Garoowe inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabka,  isla markaana ay ugu adeegaan si hagar la’aan ah oo cadaaladi ku dheehan tahay.

    Dhinaca kale  Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu booqsho ku maray wasaaradaha kala ah wasaaradda waxbarashada, wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, wasaaradda qorsheynta iyo  xarunta wasaaradda warfaafinta, xarumahaas oo dhammaantood  uu madaxweynuhu mid-mid u galay xafiisyadooda kala duwan.

    Sidoo kale Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas intii uu ku guda jirey booqashada wasaaradda warfaafinta waxa uu kormeeray mashruuc dhawaantan laga hir galiyey Dowladda Puntland,  mashruucaas oo lagu horumarinayo Technology-yadda iyo isgaadhsiinta Puntland, si ay u fududaato xidhiidhka Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda Puntland iyo dhammaan xarumaha kale ee dhigeeda ah ku yaala Soomaaliya iyo heer Caalamiba.

    Wasaaradaha hadda barnaamijkaan laga hirgeliyey waxaa kamid ah Wasaaradaha Warfaafinta, Wasaarada Qorshaynta, Wasaarada  Caafimaadka, Wasaarada Waxbarashada iyo Xarunta Madaxtooyada Dowladda Puntland,  iyadoona xarun walba loo sameeyey Conference Room iyo Puplic IP ay u madax bannaan tahay si ay ugu fududaato xidhiidhka heer goboleed iyo mid Caalamiba.

    Ugu danbeyn Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu booqdey xarunta laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda Puntlan, halkaasi uu madaxweynu kula kulmay maamulka xarumahaasi, isla’marhaantaa ka xog wareesatay sida ay shaqda xafiisyadu u socoto, kadibna  kula dar-daarmay shaqaalaha xafiisyadaasi inay bulshada si daacda ugu adeegaan, Sidoo kale Madaxweynha Dowladda Puntland ayaa goobihii adeega loogu samaynayey bulshada waxaa uu kula kulmay shacab soomaaliyeed oo badankiisu ka yimi Gobolada koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid ahaa dad bukaan socod ah oo baahi weyn uqabay in ay helaan adeeg caafimaad oo dibada ah, iyagoona Madaxweynuhu u amary in si deg deg ah loogu sameeyo adeega ay u baahan yihiin si socdaalkoodu ugu fududaado.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    June 21, 2025

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.