Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-RW Khayre oo ka qaybagalay Maalinta Nadaafada ee uu Go’aamiyay
    Somalia

    Sawiro:-RW Khayre oo ka qaybagalay Maalinta Nadaafada ee uu Go’aamiyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 27, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maalinta Ololaha Nadaafadda ee khamiista ugu dambeysa bil walba oo uu horey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u go’aamiyey, ayaa maanta si weyn looga xusay Caasimadda dalka, waxaana isu soo baxyo lagu nadiifinaayo magaalada laysugu soo baxay xaafadaha iyo goobaha qashinka lagu aruuriyo ee kala duwan.

     Ololaha nadaafadda waxaa hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre, ku-xigeenkiisa Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed, Xildhibaanno iyo dadweyne tiro badan, waxana ay hawshan nadiifinta ka bilaabeen degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Taleex halka ay Wasiirada Xukuumadda ka bilaabeen xarumaha Wasaaradahooda.

    Ra’iisul Wasaaraha oo gacantiisa ku waday gaadiidka gashinka xaaqayay, isla markaana dhex socday haweenka olalaha nadaafadda sameynayay, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u istaagaan ka shaqeynta nadaafadda dalkooda.

    “Maanta waa xiligii aynu u astaynay nadaafadda oo dalka dhan laga fulindoono, waxaana muhiima in yar iyo wayn madax iyo shacaba aynu ka wada qeyb qaadano ololaha nadaafadda. Inaan iska nadiifin wayno qashinka si aan u noolaano ceeb ayay nagu tahay, maanta waxaan u taagan nahay inaan nadiifino dalkeena madaxdii qaranka oo dhan ayaa u soo baxay arrintan”, ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

    “Tani waxay ka turjumaysaa in Soomaalidu ay dalkeeda dib-u-dhisato, haddii aynaan anagu qashinka iska xaaqin oo aynaan nadiifin jidadka, ma jirto cid noo keenaysa dal bilicsan, haddii aad ka qeyb qaadato nadaafadda guud iyo barnaamijyada iskaa wax u qabso, waxay tusaale u tahay in aad dalkaaga dib-u-dhisatid. Waa in qof walba oo Soomaali ah ogaadaa dalka kaliya ee naga dhexeeya inuu yahay kan”.ayuu Ra’iisul Wasaaraha hadalkisa ku daray.

    Maalinta nadaafadda ayaa si weyn waxaa uga dhex muuqday qaar ka mid ah haya’daha dawladda, kuwaas oo ka hawl galaayey goobo kala duwan, isla markaana dadweynaha kala qayb qaatay. Wasaaradaha uu Ra’iisul Wasaaruhu tagey ee ololaha nadaafaddu ka socday ayaa waxaa kamid ahaa wasaarada Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda, Madaxtooyada dalka, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Waxbarashada iyo qaar kale, kuwaas oo ay hor kacaayeen wasiirada iyo maamulada kala duwan.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.