Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»SAWIRO:Wafti uu Hoggaaminayo Wasiirka Amniga Puntland oo Gaaray Degmada Badhan.
    Somalia

    SAWIRO:Wafti uu Hoggaaminayo Wasiirka Amniga Puntland oo Gaaray Degmada Badhan.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 12, 2017Updated:November 12, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yusuf (dowlad) ayaa maanta 12 Nov 2017 gaaray Magaalada Badhan, halkasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay

    Wasiirka ayaa waxaa safarka ku wehlinaayey Wasiiru dowlayaasha Xanaanada xoolaha, Dekeddaha, Wasiir Ku-xigeeno, xildhibaano iyo saraakiil ciidan, waxaana ku soo dhaweeyay magaalada Badhan Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon , Duqa Degmada Badhan Cabdirisaaq  Axmed Ciise, Xildhibaano ka tirsan gollaha degaanka  degmadda Badhan, Taliyaha ciidamada Asluubta Gobolka Sanaag Axmed Dhaaye Jibriil iyo Isuduwayaasha Wasaaraddaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha, Ganacsiga, Degaanka, nabadoono, waxgarad iyo shacabka magaaladaasi.

    Soo dhaweyn ka dib Wasiirka ayaa sheegay in ujeedada socdaalkooda uu la xiriiro sidii beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed loogu soo bandhigi lahaa in gobolada Sanaag iyo Hayland aysan ka jirin kana dhici doonin wax doorasho shabaha  oo dhinaca Somaliland ka timaada.

    Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in faragalinta iyo xadgudubka maamulka Somaaliland ee gobolada Sanaag iyo Hayland ujeedada ka dambaysaa ay tahay oo kaliya in la jaahwareeriyo shacabka, lana majaro habaabiyo beesha caalamka, loona sheego in shacabka gobolka Sanaag ay doorashooyin samaynayaan.

    “meesha aan joogaa waa Badhan, wax doorasho iyo calaamad doorasho oo ka muuqataa ma jirto, waxaan arrintaasi suurtagaliyay shacabka oo og, una bisil inay ilaashadaan oo xajistaan amniga, sharaftooda iyo ilbaxnimadii taarikhiga ahayd ee ay lahaayeen” ayuu yiri Wasiirka Amniga,

    “ Shacabka degan mandiqadan ma ah shacab soo maray gumaysi, Ma ah shacab u dulqaata in shacabka kale oo Soomaaliyeed oo iyagoo kale ah ay yiraahdaan annaga idiin xukumayna, taariikhda lagamuma hayo Shacab yiraahda shacab kale, annagaa tirakoobaynaa idiin maamulaynaa” ayuu yiri Wasiirku

    Dhinaca kale Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yusuf (dowlad) ayaa tilmaamay  in siyaasadda Puntland ay tahay mid ku salaysan amni iyo wada noolaansho,

    “Dawladda Puntland cidna duulaan kuma qaado, cidna ma gardaraysato, cidwalba  waxaanu doonaynaa inaanu nabad, Islaamnimo, walaaltinimo iyo somaalinimo kula nolaano, cidii intaa ka soo gudubtaa waajibkeedu waa gooni” ayuu yiri

    Ugu danbayn Wasiirka amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yusuf (dowlad) ayaa ugu baaqay shacabka ku nool goboladda Sanaag iyo Hayland inay ilaashadaan qaranimadooda, Amnigooda iyo sharaftooda, isla mar’ahaantaana ay ka hortagaan faragalinta iyo xadgudubka qaawan ee Maamulka Somaaliland.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    June 19, 2025

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.