Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Senetka Maraykanka oo ansixiyay Xubinimada Natto Ee Finland iyo Sweden
    Somalia

    Senetka Maraykanka oo ansixiyay Xubinimada Natto Ee Finland iyo Sweden

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 4, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Aqalka Senate-ka ee dalka Maraykanka,ayaa ansixiyey Xubinimada Dalalka Sweden iyo Finland ee Gaashaanbuurta NATO, waxaana codsiga ku biiritaanka labadan dal oggolaaday 95-mudane, halka uu diiday Hal Xildhibaan.

    Tallaabadan,ayaa diraysa fariin adag oo muujinaysa sida labada Xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadigu uga midaysan yihiin siyaasadda ku aaddan ku biirista labadan dal iyo weliba in laga hortago dullaanka Ruushka.

    “Codka NATO waa cod aad muhiim ugu ah amniga dalka Maraykanka iyo xasiloonida guud ee caalamka oo dhan, sidaas awgeed xubinimada Finland iyo Sweden waxay sii xoojinaysaa gaashaanbuurta NATO, taasoo ah ka hortag degdeg ah oo ku aaddan daandaansiga Ruushka iyo weliba duullaanka uu ku qaaday Ukraine” sidaas waxaa yiri hoggaamiyaha aqlabiyadda Golaha Senate-ka Chuch Schumer.

    Maraykanku waa mid ka mid ah 30-ka dal ee xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO ee ku qasban inay ansixiyaan xubinimada dalalka Sweden iyo Finland. Isbahaysigan ayaa dammaanad qaaday amniga Yurub, 70-kii sano ee ugu dambeeyey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.