Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Seyful Islaam Qadaafi oo laga saaray Liiska Musharixiinta
    Somalia

    Seyful Islaam Qadaafi oo laga saaray Liiska Musharixiinta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 25, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddiga doorashada Liibiya ayaa Arbacadii sheegay in Saif al-Islam Gaddafi, oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore, isla markaana ahaa musharrax miisaan leh ee doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay dhacdo bisha December, aanu u tartami karin doorashada.

    Diidmada guddiga doorashada ayaa sii kordhinaysa qalalaasaha ku xeeran codbixintan.

    Qadaafi waxa uu ka mid ahaa 25 musharrax oo guddiga doorashada ay go’aan hordhac ah ku kala reebeen ilaa inta laga gaarayo hannaanka racfaanka ee garsoorka dalkaasi uu go’aan uga gaarayo, waxaana doorashadan markii hore isku diiwaangaliyay 98 musharrax.

    Guddiga doorashada ayaa sheegay in Qadaafi uu lumiyay xaqa ka qeybgalka doorashada, maadaama lagu helay dambi, waxaana maxkamad ku taal Tripoli ay ku xukuntay dil isaga oo maqan sanadkii 2015-kii, kadib markii lagu helay dambiyo dagaal oo uu galay intii uu socday kacdoonkii looga soo horjeeday aabihiis Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii.

    Saif al-Islam Gaddafi ayaa dafiray inuu sameeyay wax khalad ah.

    Musharaxa kale ee caanka ah, Khalifa Haftar, ayaa la sheegay inuu haysto dhalasho Mareykan ah, taasoo sidoo kale meesha ka saari karta musharraxnimadiisa.

    Dad badan oo ku nool galbeedka Liibiya ayaa sidoo kale ku eedeeyay Haftar inuu galay dambiyo dagaal intii lagu jiray weerarkii Tripoli ee 2019-20, hase yeeshe wuxuu isna inkiray inuu heysto dhalashada Mareykanka iyo inuu geystay dambiyo dagaal.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.