Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shabeellada hoose oo uu ka bilaabanayo Gulufka la dagaallanka argagixisada
    Somalia

    Shabeellada hoose oo uu ka bilaabanayo Gulufka la dagaallanka argagixisada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 24, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa abaabulaya guluf kale oo maleeshiyada Al Shabaab lagaga furo Gobolka Shabellaha Hoose, si culeyska loogu kordhiyo maleeshiyadaasi oo dagaal uu kaga furan yahay gobolada dalka qaarkood. Gulufka ayuuna yoolkiisu yahay in looga saaro deegaanada ay gobolkaasi kaga sugan yihiin.

    Dhaqdhaqaaq iyo diyaargarow ciidan ayaa laga dareemaya xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin qaybo ka mida gobolkaasi, ka dib markii ciidamadu ay maalin ka hor la wareegeen gacan ku haynta Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

    Villa Somalia ayaa xoreynta iyo xasillinta Labada Shabelle u aragto mid muhiim u ah amniga Caasimadda Muqdisho, ayna tahay in kooxaha hubeysan laga suuliyo goboladaaasi.

    Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay saanad hub ah geeyeen Gobolka Shabellaha Hoose, isla-markaana ay jiraan xoogag deegaan ah oo loo diyaariyay in ay la hawlgalaan ciidamada.

    Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood oo Khamiisti shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mar dhow ay hawlgaladu ka bilaaban doonaan Dowlad Goboleedyada aanay ka socon hawlgalada lagula wiiqayo cadowga, sida uu yiri.

    Afhayeenka ayaa isla Khamiistii wareysi uu BBC siiyay waxa uu ku sheegay in Shabaabku aanay wax degmo ahi ka haysan sida uu sheegay Gobolka Shabellaha Hoose.

    “Gobolka Shabellaha Hoose, degmo ka mida oo hadda ay ayagu gacanta ku hayaan ma jirto, dhul degmooyin lagu sheegaa way jiraan oo tuulooyin iska ahaa, laakiin marka laga soo bilaabo Degmada Wanlaweyn illaa Baraawe waa xor.” Ayuu yiri General Caanood.

    Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in dib u dhac uu ka imaan karo hawlgalada dhanka cirka, bacdamaa diyaaradaha drones-ka ee saaxiibada caalamiga ay ku foogan yihiin hawlgalada Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud, waana diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo door muuqdo ka qaadanaya gulufka Shabaabka lagaga sifeynayo deegaanada Hirshabelle.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga Macawiisleyda oo taageero dhanka cirka ka helaya diyaaradaha saaxiibada caalamiga ayaa la wareegay inta badan deegaanadii ay Shabaabku ka maamulayeen Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

    Hawlgalada ayaa la filayaa inay haatan si dardar leh uga bilowdaan Gobolka Galgaduud, oo hawlgal kale oo midkaasi barbar-socdana lagu wado in ciidamadu ay dhawaan ka bilaabaan Gobolka Mudug.

    Dowladda Federaalka ayaa u muuqato mid ballaarineysa istiraatiijiyadeeda ku aaddan qorshaha loogu yeero (xoreynta & xasillinta) ee ku wajahan dhulka ay Shabaabku ka arrimiyaan.

    Horaan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay xididada u siibo doonto kooxaha argagixisada ee dalka ka dagaalama.

    Universal Tv.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.