Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shacabka Ingiriiska Oo doorasho Udareeraya
    Somalia

    Shacabka Ingiriiska Oo doorasho Udareeraya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 12, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maanta oo khamiis ah, 12 December, sanadka 2019-ka waxaa guud ahaan dalkan Britain subaxnimada looga dareerayaa doorasho nooceeda aan horay loo arag tan iyo dagaalkii labaad ee dunida.

    Doorashadani waxey saamayn balaadhan ku yeelan doontaa jihada mustaqbalka dalka Britain oo kaalinta 6-aad ee dhaqaalaha aduunka ku jirta, saamayn siyaasadeedna ku leh qaaradda Yurub – waliba waxaa intaasi dheer in doorashadan ay ka dhalatay go’aanka reer Britain ee ka bixista Midowga Yurub oo xiisad siyaasad dalka ka buurtay.

    Ra’iiusl Wasaaraha Britain Boris Johnson oo hogaamiya xisbiga muxaafadka ee concervetifka iyo hogaamiyaha xisbiga shaqalaaha ee mucaaradka Jeremy Corbyn ayaa loolankan xoogiisu uu u dhexeeyaa – labaduba waxaa looga fadhiyaa in ay jahawareerka siyaasadeed ee taagan soo afjaraan, xisbiyada liberal democrat iyo SNP ayaa Iyana kaalin muuqata ku leh doorashadan.

    Boris waxaa uu balan qaaday in uu Britain kaga saari doono Midowga Yurub sanad guduhiisa, halka hogaamiyaha Mucaaradka oo Corpyn uu ku tilmaamay balan qaadkaas mid liddi ku ah horumarka dhaqaale ee dalka isla markaana uu balan qaaday in uu afti kale shacabka dib ugu celin doono sadex bilood kadib haddii uu doorashada ku guulaysto.

    Horumarinta adeegyada aas aasiga ah sida waaxda caafimaadka ee NHS, guri la’aanta, isbadalka cimilada, ka hortagga dambiyafda iyo qaar kaloo badan ayaa Iyana kamid ah olalaha iyo hal ku dhigyada doorashada ee axsaabta siyaasadda dalka Britain.

    Saadaasha doorashada ayaa muujinaysa in xsibiga Ra’iiusl wasaare Boris uu ku guulaysan doono doorashada 43% halka la saadaalinayo in xisbiga shaqaalah uu helo doono 33% hase yeeshee dhowr mar oo hore oo la saadaaliyay in xisbiga taladaha haya uu guulaysan doono ayaa isu badashay in labada xisbi aysan heli doonin kuraas ku filan, kuna qasbanaan doonaan in xisbi kale uu dowladda lasoo dhiso.

    Dadka dalkan looga tirada badan oo gaaraya 7.5 milyan oo qof oo isugu jira Soomaalida, dadka bariga yurub, afrika iyo Muslimiintu ay ku jiraan ayaa doorashadan la filayaa in ay xoogoodu u codeeyaan xisbiga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Jeremy corbyn.

    Si kastaba ha ahaatee natiijada rasmiga ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo subaxnimada maalinta barito oo jimco ah, mana cadda in cid walba oo guulaysta ay soo afjari karto qalalaasaha siyaasadda ee ka bixista Britain ee Midowga Yurub.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.