Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shaqaale Kenyan ah oo Qarax lagu dilay meel udhow xuduuda Kenya
    Somalia

    Shaqaale Kenyan ah oo Qarax lagu dilay meel udhow xuduuda Kenya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 12, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka ee Kenya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo Arbacadii ka dhacay meel u dhow xuduudda bari ee dalkaas uu la wadaago Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska.

    Shaqaalaha ayaa la socday kolonyo baabuur oo saddex ahaa oo ka yimid Garissa una socday Bura, markii uu haleelay qarax lagu aasay waddada, kaasi oo la tuhunsan yahay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska.

    “Gaari ay la socdeen afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka Kenya ayaa lagu weeraray qarax miino, dhammaan afarta qof ayaa isla goobta ku dhintay,” ayuu yiri John Otieno, oo ah maamule ka tirsan dowladda hoose.

    Kooxda Al-Shabaab ayaan weli si rasmi ah uga hadal dhacdadan.
    Al-Shabaab ayaa weeraro dhimasho leh ka fulisay Kenya sanadihii dhowaa.

    Weerar ay ku qaadeen Jaamacadda Garissa 2015 waxa ay ku dileen 166 qof, halka weerarkii Westgate Mall ee Nairobi ay ku dileen 67 qof 2013-kii.

    Al-Shabaab ayaa weerarada ay ka fuliso Kenya qiil uga dhiga joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, ayaga oo dalbada inay dalka ka baxaan.

    VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    March 26, 2026

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.