Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shaqaale Kenyan ah oo Qarax lagu dilay meel udhow xuduuda Kenya
    Somalia

    Shaqaale Kenyan ah oo Qarax lagu dilay meel udhow xuduuda Kenya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 12, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka ee Kenya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo Arbacadii ka dhacay meel u dhow xuduudda bari ee dalkaas uu la wadaago Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska.

    Shaqaalaha ayaa la socday kolonyo baabuur oo saddex ahaa oo ka yimid Garissa una socday Bura, markii uu haleelay qarax lagu aasay waddada, kaasi oo la tuhunsan yahay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska.

    “Gaari ay la socdeen afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka Kenya ayaa lagu weeraray qarax miino, dhammaan afarta qof ayaa isla goobta ku dhintay,” ayuu yiri John Otieno, oo ah maamule ka tirsan dowladda hoose.

    Kooxda Al-Shabaab ayaan weli si rasmi ah uga hadal dhacdadan.
    Al-Shabaab ayaa weeraro dhimasho leh ka fulisay Kenya sanadihii dhowaa.

    Weerar ay ku qaadeen Jaamacadda Garissa 2015 waxa ay ku dileen 166 qof, halka weerarkii Westgate Mall ee Nairobi ay ku dileen 67 qof 2013-kii.

    Al-Shabaab ayaa weerarada ay ka fuliso Kenya qiil uga dhiga joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, ayaga oo dalbada inay dalka ka baxaan.

    VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.