Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Shaqaaqadii Xarfo oo laga gaaray Xal rasmi ah
    Puntland

    Shaqaaqadii Xarfo oo laga gaaray Xal rasmi ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 29, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xarfo: December 29, 2024: Shalay oo taariikhdu ahayd December 28, 2024, waxaa guriga Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud ee Degmada Xarfo ka furmay wajiga 2-aad ee shirka dib u heshiisiinta labadaba beelood ee isku dhacu ku dhexmartay Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug December 22, 2024.

    Shirkaan oo ahaa maanta mid si toos ah loo guda galay, ayaa waxay nabaddoonnada iyo guddiga labada jifo ee Maxamed Cumar iyo Reer Mahad ku heshiiyeen:-

    1. Waxay Jifida Maxamed Cumar ka garaabeen, raalligelin iyo soo hoyasho tolnimana ka bixiyeen dhacdadii foosha xumayd ee Xarfo ka dhacday. Waxay caddeeyeen inay beel ahaan hagaajinayaan Ceelkii waxyeeladu soogaartay ee Degmada Xarfo.

    2. Waxay labada jifo (Maxamed Cumar iyo Reer Mahad), ku heshiiyeen in berri laga bilaabo iyagoo wada jira ciidamadii iyo maleeshiyadii Xarfo gurmad ahaanta ku soo galay lakala diro oo deegaamadoodii lagu celiyo.

    3. In wixii dhib ahaa ee dhacay (dhiig iyo dhaawac) laga wada hadlo, lagana heshiiyo.

    4. Arrinta Qabooley waxay labada Jifo ee Maxamed Cumar iyo Reer Mahad (Cumar Maxamuud), Isimada iyo Dawladduba isla qaateen in la raaco guddoonkii Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ee horey looga gaaray arrimaha Qaboobey, loona fuliyo guddoonkaas si deg deg ah.

    Ugu dambayntii Maamulka Gobilka Mudug wuxuu u mahadcelinaysaa cidkasta oo ka qayb-qaadatay nabadeynta beelaha walaaha ah ee xurguftu ku dhexmartay Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug, kuwaas oo ay ugu horeyaan Wasiiradii uu Hogaaminayay Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha, Isimada dhaqanka , Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Golaha baarlamaanka Puntland, Degmada Xarfo, ciidamada amaanka, guddigii Cuqaasha iyo samadoonada ahaa ee hawshaan ku jiray iyo Nabaddoonadii ka yimi Gobolada kale ee Puntland, gaar ahaan Gobolka Nugaal.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    June 25, 2025

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.