Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sheekh Shariif oo beeniyay in musharaxiinta madaxweyne ay isu tanaasuleen
    Somalia

    Sheekh Shariif oo beeniyay in musharaxiinta madaxweyne ay isu tanaasuleen

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 4, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa beeniyay warar maalmihii ugu dambeeyay la isla dhexmarayay, kuwaas oo sheegayay inuu jiro isu tanaasul ay isku afgarteen qaar ka mid ah musharaxniita tartanka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook, ayuu madaxweyne Shariif ku yiri “Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in la galo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taasoo aan waqti soo galinnay welina aan u taagannahay.”

    Bayaanka Shariif Sheekh Axmed ayaa intaas ku daray “Sidaa darteed waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba kajirin wararka ku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar.”

    Ma cadda in musharraxiinta la hadal hayay inay tanaasuleen uu shakhsiyan ka mid yahay.

    Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 10-ka October 2021, hase yeeshee sida hadda jadwalka doorasho ku socdo waxaa suurta-gal ah inay dib uga dhacdo.

    Qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ayaan weli billaabin doorashada Aqalka Sare, oo qorshuhu ahaa in lasoo geba-gebeeyo 1-da August.

    Kaliya laba maamul goboleed oo kala ah Jubaland Koonfur Galbeed ayaa billaabay doorashada Aqalka Sare, waxayna doorteen kala bar xubnaha kasoo galaya deegaanadooda.

    Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha, ahna guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad tartanka.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    October 31, 2025

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    October 31, 2025

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.