Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaan ka ognahay xirmooyinka shidaalka Ee ku xusan heshiiska muranka badan dhaliyay?
    Somalia

    Maxaan ka ognahay xirmooyinka shidaalka Ee ku xusan heshiiska muranka badan dhaliyay?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 20, 2022Updated:February 20, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa labaduba sharci darro ku tilmaamay heshiis uu wasiirka batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed la galay shirkad shisheeye.

    Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska oo khuseeya 7 xirmo oo la tuhunsan yahay inuu shidaal ku jiro uu yahay mid wax soo saar wadaag ah, isagoo ku tilmaamay guul u soo hoyatay Soomaaliya.

    Injineer Cabdikadir Abiikar Xuseen oo horay la-taliye sare ugu ahaa wasaaradda batroolka ee Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska uu markii hore ahaa mid aan dhameystirneyn oo aan ka shaqeyneynin danaha Soomaaliya.

    Wuxuu sidoo sheegay in xitaa Maamul Goboleedyada aysan waxbo kala socon heshiiska.

    “Waxay shirkadda Somali & oil sanadkii 2013 Soomaaliya la saxeexatay heshiis aan fiicneyn oo Soomaaliya danaheeda aan ku jirin markaa kan hadda socda waa dhameystirkii heshiiska 2013 laakiin kaas ayaa qaloocnaa, wixii aan ku maamul laheyn oo sharci ah ayaa naga maqan, waxaa naga maqan sharciga canshuuraadka, macnaha haddii la dhaho maxaa shirkadda lagu canshuurayaa? Ma naqaanno, waxaa la rabaa waxyaabihii lagu canshuuri lahaa inay diyaar yihiin, shirkadda haddii ay wasakheyso badda, maxay la kulmeysaa? Iyo sharciyo kale oo aan diyaar aheyn”

    “Maamul Goboleedyada waxbo lama socdaan, Maamul Goboleedka Galmudug oo baddiisa wax laga baari doono , maamulka Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waxbo lama socdaan, xirmooyinkan badahooda ayay ku yaallaan” ayuu yiri Injineer Cabdiqaadir oo wareysi siinayay BBC-da.

    Maxaa hadda keenay muranka ?
    Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay inay heshiis dhanka wax soo saarka shidaalka ay la galeen shirkadda Costline Exploration ltd.

    Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay in Madaxweyne Farmaajo uu wasiirka la ogaa heshiiska muranka dhaliyay.

    Hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay war saxaafadeed lagu burinayo heshiiska waasiirka Batroolka iyo Macdanta ayaa lagu sheegay in aan la geli karin wax heshiis ah xilli lagu gudo jiro doorashada.

    Cabdiqaadiir wuxuu qabaa in xilliggan lagu gudo marxalad kala guur ah isla markaana aanan loo diyaarsaneyn heshiiska.

    “Heshiiska wuu soo socday hadda ma ahan in la saxeexo, dowladda haatan waa mid xilgaarsiin ah, xilgaarsin macnaheeda waxaa weeye, heshiis maba geli karto kaas oo saameynayo kheyraadka dalka Soomaaliya, wakhtigan xilliggii heshiis la geli lahaa ma aha iyo anaga farsamo ahaan iyo shuruuc ahaan diyaar aheyn”

    “Marka wax la saxeexo halkii xirmo 2 malyan oo doolar ayaa dul saaran, marka la saxeexaba waxaa la rabaa in durbadiiba la bixiyo 2 malyan markaa lacagtaas baa meesha ku jirtaa” ayuu yiri Injineer Cabdiqaadir.

    Meelaha uu khuseeyo heshiiska
    Shirkadaan oo aad u daneysa inay baarto saliida gobolka Geeska Afrika ayaa heshiisyadaan ay la saxiixatay wasaaradda batroolka iyo macdanta Sooomaaliya waxuu u ogolaanayaa inay shidaal ka baarto gunta hoose ee biyaha Soomaaliya.

    Cabdiqaadir oo BBC-da wax ka weydisay xirmooyinka uu ku khuseeyo heshiiska muranka badan dhaliyay ayaa sheegay in xirmooyinka ay tahay in baaris lagu sameeyo si loo ogaado baaxadda ceelasha shidaalka.

    “Toddobadaas xirmo, saddex Galmudug baddeeda ah iyo xirmo oo ku aadan agga Xamar ilaa Baraawe ilaa Marka iyo saddex xirmo oo Jubaland ah..marka waa in la hubiyo in shidaal uu ku jiro oo ceel laga qodo..ceelashaas baa caddeynayaa haddba inta uu la egyahay shidaalka”.

    Xigasho:-BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.