Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shiinaha oo dhoolatus uga jawaabay booqashada Taiwan Ee Pelosi
    Somalia

    Shiinaha oo dhoolatus uga jawaabay booqashada Taiwan Ee Pelosi

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 4, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Militariga Shiinaha,ayaa bilaabay dhoolatus militari oo ay ku jiraan rasaas toos ah oo ay ku ridayaan Biyaha iyo hawada ku hareereysan jasiiradda Taiwan, sida uu sheegay Telefishinka dowladda Shiinaha Khamiista maanta ah, isaga oo intaas ku daray in dhoollatusakan uu dhammaan doono 12:00 duhurnimo maalinta Axadda ah.

    Dhoollatuskan ayaa imanaya maalin kadib booqasho ay afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka Nancy Pelosi ku tagtay jasiiradda iskeed u maamusha ee Taiwan oo ay Beijing u aragto dhul Shiinaha ka tirsan.

    Saraakiisha Taiwan ayaa sheegay in dhoolatuskan uu yahay mid xadgudub ku ah shuruucda Qaramada Midoobay, isla markaana ay Shiinuhu duulaanka ay ku qaadeen hawada sare ee Taiwan, ayna caqabad toos ah ku yihiin hawada iyo baddeeda.

    Xisbiga talada haya ee Taiwan Democratic Progressive Party ayaa sheegay in Shiinuhu uu wado dhoolatus uu ku sameynayo marin biyoodyada ugu mashquulka badan caalamka iyo dariiqyada duulimaadyada, taasi oo ah “dhaqan aan mas’uul ahayn oo sharci darro ah.”

    Isagoo si kulul u cambaareeyay dhoolatuskaasi, ayaa Afhayeenka Golaha Wasiirada Taiwan wuxuu sheegay in website-yada Wasaaradaha Difaaca, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada ay soo weerareen kooxo jabsaday.

    Pelosi, oo ah qofkii ugu heerka sarreeyay ee Mareykanka ee booqda Taiwan muddo 25 sano ah, ayaa ammaantay dimuquraadiyaddeeda, waxayna ballan-qaadday taageerada Mareyka, iyada oo intaa ku dartay in carada Shiinuhu aysan ka joojin karin hoggaamiyeyaasha adduunka inay u safraan Taiwan.

    Shiinaha ayaa u yeeray safiirka Maraykanka ee Beijing si ay uga mudaaharaadaan booqashadeeda.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.