Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shiinaha oo hakiyay wada hadal uu Maraykanka la lahaa
    Somalia

    Shiinaha oo hakiyay wada hadal uu Maraykanka la lahaa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 6, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shiinaha,ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu joojiyay wadahadal uu Mareykanka kala lahaa dhinacyo badan, oo ay ku jiraan kuwa militari iyo isbeddelka cimilada, kadib markii ay Shiinuhu ka caroodeen booqashadii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay ku tagtay Taiwan.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in ay sidoo kale joojinayso is-weydaarsiga ay Washington la leedahay ee ka hortagga dambiyada xuduudaha iyo ka ganacsiga daroogada, waxaanaa Washington ay dhammaan tillaabooyinkan ku tilmaantay “mas’uuliyad-darro”.

    Shiinaha oo ka careysan Pelosi oo noqotay qofkii ugu sarreeyay ee Mareykankan ah oo booqda muddo 25 sano ah jasiiradda iskeed isku maamusha oo Beijing u aragto dhulkeeda, ayaa Khamiistii billaabay dhoollatus militari oo ay ku sameynayaan badaha iyo cirka agagaarka Taiwan.

    Dhoollatuskan militari oo ah kii ugu ballaarnaa ee abid uu Shiinuhu ka sameeyo marin biyoodka Taiwan, ayaa la qorsheeyay inuu socdo ilaa duhurnimadii Axadda.

    Guud ahaan 68 diyaaradood oo milatariga Shiinaha ah iyo 13 markab oo ciidamada badda ah ayaa hawlgallo ka fuliyay marin biyoodka.

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Washington ay marar badan si cad ugu sheegtay Beijing in aanay raadinayn xiisad ka dhalatay booqashadii Pelosi ee Taiwan horraantii todobaadkan.

    “Ma jirto wax sabab ah oo lagu micneyn karo falcelintan militariga ah ee xad dhaafka ah iyo isku dheelitir la’aanta,” ayuu Blinken ku sheegay shir jaraa’id, isagoo raaciyay, “Hadda, waxay qaadeen tallaabooyin halis ah oo heer cusub ah.”

    Blinken waxa uu carabka ku adkeeyay in Mareykanku aanu qaadi doonin tallaabooyin uu ku kicinayo qalalaase, balse uu sii wadi doono taageerada xulafada gobolka iyo in uu sameeyo marin hawada iyo badda caadiga ah iyada oo loo marayo marin biyoodka Taiwan.

    “Waan duuli doonaa, ku dhoofi doonnaa, kana hawlgali doonnaa meel kasta oo sharciga caalamiga ahi inoo oggolaado,” ayuu Blinken yiri.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.