Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shiinaha oo looga digay in uu isku dayo faragalin dagaalka Ukrain ku aadan
    Somalia

    Shiinaha oo looga digay in uu isku dayo faragalin dagaalka Ukrain ku aadan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 2, 2022Updated:April 2, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkii ugu horreeyay ee Midowga Yurub iyo Shiinaha muddo laba sano ku dhow ayaa dhacay Jimcihii shalay, waxaana Midowga Yurub uga digay Shiinaha in uusan taageerin dagaalka Ruushka ee Ukraine ama uusan faragelin cunaqabateynta caalamiga ah ee ka dhanka ah Moscow.

    Shir madaxeedkan oo socday laba saacadood oo qura ayaa ahaa qaab fogaan-arag ah, wuxuuna shirkan ku guuldareystay inuu yareeyo kala duwanaanshaha ba’an ee u dhexeeya dhinacyada dagaallamaya.

    Madaxa Midowga Yurub Ursula von der Leyen oo kulanka kadib warbaahinta la hadashay ayaa soo bandhigtay qiimayntan ku saabsan waxa ay saraakiisha Midowga Yurub ku tilmaameen in ay yihiin kuwo si hufan oo uga hadlaya dagaalka Ruushka ee Ukraine, iyadoo tiri “Kani khilaaf maaha ee waa dagaal, mana ahan arrin khuseysa kaliya Yurub ee waa arrin caalami ah.”

    Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Shiinaha inay ku cadaadiyaan Ruushka inuu joojiyo dagaalka – ama ugu yaraan uu furo waddooyinka bini’aadantinimo ee Ukraine – iyaga oo sheegay in xubinta joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Beijing, ay leedahay mas’uuliyad gaar ah.

    Saraakiisha Midowga Yurub ayaa sidoo kale Shiinaha uga digay in haddii la wiiqo cunaqabateynta Ruushka ay dhalin karto cawaaqib dhaqaale.

    Von der Leyen waxay xustay in xiriirka gacansi ee ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Shiinaha uu gaarayo ku dhawaad $2.2 bilyan oo badeecado iyo adeegyo ah maalin kasta – marka la barbar dhigo in ka badan $ 364 milyan oo u dhexeeya Ruushka iyo Shiinaha.

    “Rugta ganacsigu waxay si dhow ula socotaa dhacdooyinka dhacaya, waxayna qiimaynaysaa halka dalalku isu jiheeyaan,” ayay tiri von der Leyen oo intaas ku dartay “Tani waa su’aal ku saabsan aaminaad, kalsooni iyo, dabcan, go’aannada maalgashiga muddada dheer.”

    Shiinaha ayaa isku dayay inuu muujiyo inuu dhexdhexaad ka yahay dagaalka Ukraine, isagoo sidoo kale isku dayaya inuu xoojiyo xiriirka istiraatijiyadeed ee Moscow iyo inuu sii wado xiriirka dhaqaale ee Yurub, waxaana Telefishinka dowladda Shiinaha ee CCTV uu soo wariyay in madaxweyne Xi Jinping uu sheegay inuu rajeynayo in Midowga Yurub uu si ‘madax-bannaan’ u qaadan karo aragtida uu ka qabo Shiinaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.