Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Shir looga hadlay Wax ka badal Sharciga Dowladaha Hoose ee Puntland oo furmay+Sawirro
    Puntland

    VIDEO: Shir looga hadlay Wax ka badal Sharciga Dowladaha Hoose ee Puntland oo furmay+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 20, 2019Updated:November 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa magaalada Garowe ku qabatay shir ku saabsan Wada-tashiga iyo Dib u eegista Sharciga Dowladaha Hoose ee Puntland.

    Shirka oo socon doono muddo laba cisha ah, ayaa waxaa kasoo qeyb galay qaar kamid ah Gudoomiyaasha heer Gobal iyo Heer Degmo, Wasiiro iyo Agaasmiyaal ka socday Wasaaraddaha Puntland, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, Madax ka socotay Bah-wadaagta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

    Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba, oo ka hadlay furitaanka Shirka ayaa sharaxay muhiimadda Shirkan, isagoona sheegay in loo baahan yahay in inta uu socdo Shirka lagu falanqeeyo, isla markaana looga aragti dhiibto si hufan.

    https://www.facebook.com/moilgrd/videos/994114987608294/

    Ugu dambeyntii, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Cabdiweli Mire Xirsi oo Shirka furay ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka go,antahay sidii wax looga badali lahaa sharciga Dowladaha Hoose ee Puntland (law Number-7), ayna dhawaan Wasaaraddu ay horgeyn doonto Labada Golle ee Dowladda.

    https://www.facebook.com/moilgrd/videos/586459915261467/

    Dowladdaha Hoose ee Degmooyinka Puntland ayaa ku dhaqma Sharciga Low Number-7, kaas oo lagu soo dhiso Golaha Degaanka Degmooyinka, Wasaaradda Arrimaha, Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaana wax ka badal ku sameysay xeerkan (law Number-7) waxaana la filayaa in dhawaan la horgeeyo labada Golle ee Dowladda Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.