Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirka dib loogu eegayo Sanadka dhamaanaya xogta Malaariya Puntland oo Garowe ka Furmay.
    Somalia

    Shirka dib loogu eegayo Sanadka dhamaanaya xogta Malaariya Puntland oo Garowe ka Furmay.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 20, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirka dib loogu eegayo Sanadka dhamaanaya xogta Malaariya Puntland oo Garowe ka Furmay.

    Garowe, Dec,20, 2021: Waxaa maanta ka furmay xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland shirka dib u eegista malaariyadda saddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo guud ahaan sanadka 2021.

    Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay shaqalaha xogta gobolada iyo degmooyinka kuwaasoo ku soo bandhigaya xogta malaariyada sanadka dhamanaya 2021, waxaa lagu soo bandhigi doonaa labada maalmood oo uu socon doono, hoos udhaca ku timid kiisaska laga helayo gobolada iyo meelaha wali ay ka jirto.

    Dr Abdikariin Xuseen Xasan Madaxa Malaariyada wasaaradda caafimaadka oo shirka furitaankiisa ka hadlay ayaa yiri:-

    “ Waxaan ku faraxsanahay ka soo qaybgalkiina shirkaan saddexdii biloodba mar la qabto sidoo kalena ay wehelinayo kii sanadka dhamaanaya oo aan dib iskula eegi doono una qiimayn doono.

    “Shirka inta uu socdo waxaa la iskula wadaagi doonaa xogta aad soo gudbiseen waxa la rabo in laga sii hormariyo sanadka cusub iyo sixitaanka haddii ay jireen wax khaldamay sanadka dhamaanaya 2021.”

    Mudane Cabdirisaaq Cartan Madaxa xogta wasaaradda caafimaadka Puntland oo isaguna furitaanka shirka ka hadlay ayaa ka soo qaybgalayaasha la wadaagay sanadka dhamaanaya xogta ay soo gudbiyeen meelaha ubaahan in laga saxo iyo sidii loo sii hormarin lahaa sidoo kale muhiimadda wasaarada ay ugu fadhio xogta ay ka soo gudbiyaan degmooyinka iyo gobolada.

    Agaasimayaasha caafimaadka asaasiga ah Abdirisaaq Abshir iyo Qorshaynta Dr Xidig oo shirka si wada jir ah uga hadlay ayaa labaduba xusay muhiimaddda shirkaan leeyahay iyo waxa laga filayo marka uu soo dhamaado oo ay ugu horeeyaan horumarinta qaabka xogta loo soo gudbiyo gaar ahaan xanuunka malaariyada waxay bogaadiyeen in aad ay hoos ugu dhacday helitaanka kiisaska laga soo qorayo.

    DHAMMAAD-
    XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.