Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirka horumarinta Beeraha Puntland oo ka furmay Garowe
    Somalia

    Shirka horumarinta Beeraha Puntland oo ka furmay Garowe

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 16, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 16: October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Shirka horumarinta Beeraha Puntland oo socon doona muddo laba maalmood ah Kaasi oo maanta lagu soo aadiyay Maalinta cuntada Adduunka oo lagu xusay Garoowe.

    Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay Dowladdu siinayso wax soo saarka, isagoo ku booriyay dadka Puntland in ay wax soo saarka badiyaan, Dowladuna ay diyaarinayso Qorshe lagu maalgelinayo si macquul ah ganacsata iyo dadka la yimaada hal abuurada ganacsi ee Beeraha iyo Horumarinta wax soo saarka.

    Kulanka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha oo soo diyaariyay Shirka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Wasiirada wadashaqeynta la leh Wasaarada Beeraha, lataliyeyaal Madaxweyne, Xildhibaano ka mid ah Golaha Wakiillada Puntland, Ururada Bulshada, Ganacsatada iyo Beeralayda Puntland.

    DHAMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.