Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirka istiraatiijiyadda waxbarashada madaniga ee dib-u-eegista dastuurka oo Muqdisho ka furmay
    Somalia

    Shirka istiraatiijiyadda waxbarashada madaniga ee dib-u-eegista dastuurka oo Muqdisho ka furmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 7, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka wasaaradda arrimaha dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya AVV. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta Muqdisho ka furay shir afar maalin socon doona oo lagu diyaarinayo istiraatiijiyadda waxbarashada madaniga, wacyigelinta dadweynaha, iyo La-tashiyada dadweynaha ee dib-u-eegista dastuurka.

     Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen wasiirka wasaaradda warfaafinta XFS, madax katirsan DFS, madax ka socotay wasaaradaha dastuurka ee dawlad goboleedyada, iyo dhamaan ururada bulshada rayidka ee ka jira dawlad goboleedyada ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Cabdi Xoosh oo mahadcelin u jeediyay dhamaan ka qaybgalayaasha.

    “Maanta waxaa farxad weyn inoo ah wasaarad ahaan in aan kulankan ka furno Muqdisho oo lagu diyaarin doono istiraatiijiyadda waxbarashada madaniga ee geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka, waan karnay aniga iyo shaqaalaha wasaaradda inaan diyaarino Istiraatiijiyadda, balse waxa aan ka doorbidnay in Dawlad Goboleedyada iyo buslahada rayidka talooyinkooda ku dhisanto istiraatiijiyadda, waana idinkaga mahadcelinayaa ka soo qaybgalka wanaagsan” ayuu yiri AVV Xoosh.

    Ugu dambayn, wasiirka ayaa ka codsaday dhamaan ka qaybgalayaasha in ay fikradahooda soo bandhigaan oo ay soo saaraan Istiraatiijiyad wanaagsan oo lagu hawlgeli karo.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    June 16, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025
    Latest Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.