Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Shirka Maamul daadejinta iyo Adeeg bixinta Dowladdaha Hoose ee Puntland oo furmay+VIDEO
    Puntland

    Shirka Maamul daadejinta iyo Adeeg bixinta Dowladdaha Hoose ee Puntland oo furmay+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 16, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo magaalada Garowe ku qabatay shir ku saabsan hanaanka isku xirka iyo wada shaqeynta Wasaarada Dawladda iyo bahwadaagta la shaqeysa kaas oo looga hadlayey Maamul daadejinta iyo Adeeg bixinta Dowladdaha Hoose.

    Shirka ayaa socon doono muddo laba cisha ah waxaana kasoo qeyb galay qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Puntland, masuuliyiin ka socotay wasaaraddaha Puntland, qaarkamida shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

    Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba, oo ugu horey Shirka ka hadlay ayaa marti sharafta ku soo dhaweeyey shirka, isagoona sheegay in laga wada shaqeeyo Dardar-gelinta hanaanka isku xirka iyo wada shaqeynta iyo sidii Maamul daadejinta iyo Adeeg bixinta Dowladdaha Hoose, sidii loo gaarsiin lahaa Dhammaan Degmooyinka Puntland.

    https://www.facebook.com/moilgrd/videos/436529380382992/

    Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Cabdiweli Mire Xirsi, oo Shirka furay ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka go,an tahay sidii Degmooyinka Puntland loo wada gaarsiin lahaa hanaanka isku xirka iyo wada shaqeynta iyo Maamul daadejinta iyo Adeeg bixinta Dowladdaha Hoose.

    https://www.facebook.com/moilgrd/videos/672938963449022/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.