Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirka Wasiirada Fadaraalka oo lagu ansixiyay heshiiska iskaashiga Ee Turkiga
    Somalia

    Shirka Wasiirada Fadaraalka oo lagu ansixiyay heshiiska iskaashiga Ee Turkiga

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 15, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda oo looga hadlay arrimaha Amniga dalka, Abaaraha, Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan qabsoomay iyo ansixinta heshiiska tababarka iyo iskaashiga dhinacyada caafimaadka ciidamadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiya.

    Golaha ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada ka socda dalka ee looga xorreynayo cadowga ka dhageystay Wasaarradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, iyadoo goluhu boggaadiyey howlgallada ciidanka qaranka ee lagu beegsanayo goobaha ay argagixisadu ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.

    Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiiska habmaamuuska ee u dhexeeya Xukuumadda JFS iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Turkiya ee ku saabsan tababarka iyo iskaashiga dhinacyada caafimaadka ciidamada oo ay gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa shirka Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay howlaha gurmadka abaaraha halka ay marayaan, waxayna mar kale ku celisay baaqii dowladda ee ku aaddanaa in gurmad lala gaaro shacabka la daalaa dhacaya abaaraha inta aysan isku badelin macluul.

    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda F.S Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Golaha warbixin ka siiyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan ku qabsoomay Muqdisho, kaa soo looga hadlay arrimaha mudnaan u leh Qaranka. waxuuna tilmaamay in guul laga gaaray qodobadii looga hadlay shirka intii uu soconayay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.