Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Shirkada Diyaaradaha Al-Arabia oo Duulimaad toos ah ka bilowday Puntland
    Puntland

    Shirkada Diyaaradaha Al-Arabia oo Duulimaad toos ah ka bilowday Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 14, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boosaaso, 14ka Janaayo 2025 – Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa si rasmi ah u daah-furay duulimaadka diyaaradda Air Arabia ee tooska ah ee isku xiraya Boosaaso iyo Shaariqa. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo qayb ka ah horumarinta dhaqaalaha iyo isku xirka caalamiga ah ee Puntland.

    Guddoomiyaha oo hadal dhaxal-gal ah ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey Dawladda Imaaraadka Carabta iyo shacabka dalkaas kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan horumarinta Puntland. Wuxuu sheegay in duulimaadka cusub uu muhiim u yahay fududeynta isku socodka dadweynaha, xoojinta xiriirka ganacsi, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Puntland.

    “Furitaanka duulimaadkan cusub wuxuu fure u noqon doonaa horumarka guud ahaan Puntland. Waxaan u mahadcelinayaa Dawladda Imaaraadka Carabta iyo shacabka walaalaha ah ee taageerada joogtada ah naga siiya horumarinta dalkeenna,” ayuu yiri Guddoomiye Ku-xigeenka.

    Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Mudane Cabdullahi Bille Nuur, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, Isimo, maamulka Gobolka Bari iyo degmada Boosaaso, ganacsato, iyo wakiillo ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada.

    Mudane Cabdullahi Bille Nuur oo isna hadal kooban ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in daah-furka duulimaadka diyaaradda Air Arabia uu yahay guul weyn oo ka dhalatay dada

    alka joogtada ah ee Wasaaradda Duulista Puntland ku bixisay horumarinta kaabeyaasha garoomada iyo kor u qaadidda xiriirka caalamiga ah ee Puntland.

    “Duulimaadkan tooska ah wuxuu kaalin mug leh ka qaadan doonaa fududeynta socdaalka iyo kobcinta dhaqaalaha Puntland. Waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo isku xirka gobolka iyo caalamka,” ayuu yiri Wasiir Lugatoor.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Shirkadda Terminals Holding, Mudane Maxamed Alebri, oo isna hadal ka jeediyey xafladda ayaa si weyn u boggaadiyey iskaashiga Puntland iyo Imaaraadka Carabta, isaga oo tilmaamay in duulimaadkan uu yahay mid si toos ah uga jawaabaya baahiyaha bulshada Puntland, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo socdaalka.

    Duulimaadka cusub ee Air Arabia ayaa la filayaa inuu si gaar ah ugu fududeeyo bulshada Puntland safarka tooska ah ee isku xira Boosaaso iyo Shaariqa. Waxaa la filayaa in mashruucan uu dhiirrigeliyo horumarinta ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah ee Puntland.

    Guddoomiye Ku-xigeenka,ayaa ugu dambeyntii ku booriyey bulshada iyo ganacsatada in ay ka faa’iideystaan fursadan, isaga oo ballan qaaday in Dawladda Puntland ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo isku xirka caalamiga ah iyo adeegyada shacabka.

    – DHAMMAAD –

    Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
    Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.