Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirkii amniga Qaranka oo dib uga bilawday madaxtooyada Soomaaliya
    Somalia

    Shirkii amniga Qaranka oo dib uga bilawday madaxtooyada Soomaaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 9, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa maanta mar kale dib uga bilowday Madaxtooyada Soomaaliya, kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay uu hakad ku jiray.
     
    Warar laga helayo Madaxtooyada ayaa Madaxda ka qeyb galeysa shirka ay mar kale maanta isugu yimaadeen shirkoodii u socday maalmihii la soo dhaafay, iyagoo ka doodaya qodobo ku aadan amniga dalka iyo dhismaha ciidamada.
     
    Shirka ayaa Khamiistii la soo dhaafay oo lagu waday in la soo gaba gabeeyo u baaqday caqabado ka dhashay qaabka lagu saleynayo dhismaha ciidamada, oo dood ay ka keeneen qaar ka mid ah Madaxda.
     
    Sidoo kale Madaxda maamul goboleedyada ayaa ku heysta dowladda Federaalka in talo laga siiyo go’aanada masiiriga ah ee la gaarayo, maadaama dalku yahay Federaal.
     
    Arrimaha ugu weyn ee dooda laga keenayo ayaa waxaa ka mid ah go’aankii dowladda Federaalka ay dhex dhexaadnimada uga qaadatay khilaafka Khaliijka, iyadoo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay saluugeen arrintan.
     
    Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo gelinka dambe ee maanta, iyadoo lagu wado in laga soo saaro war murtiyeed.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐩-𝐞𝐱𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐛𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐩𝐬 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐰𝐢𝐧 $𝟏 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐬

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.