Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»SHIRKII KISMAAYO EE MAAMUL GOBOLEEDYADA OO GUUL KU DHAMMAADAY
    Somalia

    SHIRKII KISMAAYO EE MAAMUL GOBOLEEDYADA OO GUUL KU DHAMMAADAY

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 10, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    SIDA KU XUSAN TAARIIKHDA SOOMAALIYA WAXAA JANUARY 1991 SOO IDLAADAY XUKUNKII KELIGII TALISKA AHAA EE SIYAAD BARRE,WAXAA GEBI AHAANBA BURBURAY HEYKALKII DOWLIGA AHAA OO AHAA HAL NIN IYO HAL MAGAALO (ONE MAN ONE CITY)..
     
    WAXAA BEESHA CAALAMKU QABATAY SHIRAR LOOGU GOL-LAHAA IN DOWLADNIMADII SOOMAALIYA DIB LOO SOO CELIYO,WAXAA SHIRARKAASI LAGU KALA QABTAY JABUUTI,ADDIS ABABA,QAAHIRA INTABA WAA LAGU GUULDARREYSTEY.
     
    WAXEY SHACABKA PUNTLAND GO´AANSADEEN INEY DHISTAAN MAAMUL U GAAR AH KOL HADDII LA WAAYEY DOWLAD DHEXE OO LA WADA LEEYAHAY OO LOO DHANYAHAY,BISHA AUGUST 1998 WAXAA SEESKA LOO DHIGAY PUNTLAND STATE OF SOMALIA..
     
    WAXAA 15 MAY 2013 LA YAGLEELAY JUBBALAND STATE OF SOMALIA,WAXAA KU XIGTAY KOONFUR GALBEED,GALMUDUG & HIRSHABEELLE..
     
    HADDABA TODDOBAADKII AYNU SOO DHAAFNAY WAXEY MAAMULADAAS KU SHIREEN KISMAAYO WAXAA KASOO QEYBGALAY ERGEYGA GAARKA AHAA EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBEYD EE SOOMAALIYA Mr. MICHAEL KEATING OO SHIRKA KA SHEEGAY INUU U YEERAY DOWLADDA VILLA SOMALIA INEY SHIRKA KA SOO QEYBGALAAN..
     
    HADDABA SHIRKII KISMAAYO GUUL AYUU SOO DHAMMAADAY WAXAA LAGA SOO SAARAY BAAQ..
     
    MAXAA XIGAY?
     
    KOLKIIBA DAWLADDA VILLA SOOMAALIYA GO´DOONKA KU AH AYAA SI DADBAAN KAGA JAWAABTAY:
     
    A- CALOOSHIISA U SHAQEYTE AMIIN CAAMIR AYAA SIDA CAADADA U AHEYD SOO BANDHIGAY SAWIR KARTOON AH FADLAN KU SHUBO.
     
    JAALLE AMIIN CAAMIR WUXUU KA GAABIYAY HOWSHII U TIIL OO AHEYD INUU KA HADLO CADDAALAD DARRADA XARIGA WALAALKII GUDDOOMIYAHA XAMAR WEYNE CUMAR SHARIIF JEEG,FADLAN LA XIRIIR HOOYADII WAA TAN MEELAHA BAROORANEYSA HIIL BEY KAAGA BAAHANTAHAY,INKAAR-QABE YAAD KU HALLEYNEYSAA OO U MAQAN? MISE WAA LOOMA OOYAAN?
     
    B-WAXAA TUULADA GARBAHAAREEY KU BANAANBAXAY KOOX HAWEEN & DHALLAAN AY SOO ABAABULEEN DAACISH & AL-SHABAAB.
     
    C-WAXAA DHUUSAMAREEB KA CIYEY JAALLE MAXAMAD CABDI XAASHI (CARRABEEY),WAA WIILKA MAGANTA KU AH GURIGII UU KU DHASHAY EE DHUUSAMAREEB KANA DEGGEN HOTEL,WAXAA MASUULIYAD DARRADAAS ISKA LEH MADAXWEYNE AXMED DUCAALE XEEF INUUSAN KUU SHEEGIN INAAD MAGAN TAHAY OO AAD ILAALISO XEERKA MAGANTA.
     
    D-WAXAA SHIRKA KISMAAYO KA NAQDIYEY GAROOWE ENG. CABDULXAKIIM CABDULLAAHI XAAJI CUMAR CAMMEEY,WAXAANU KU LEENAHAY AFKAAD KU HADSHAY MA´AHA KII GOBTA PUNTLAND WAA KII SAAXIIBKAA DUQA MUQDISHO ENG. MOORYAAN YARIISOW EE TODDOBAADKII DHOWAA AAD MARTI U AHEYD,WAANU KAA SUGEEYNEY MARQAATI BEENALENIMADA.
     
    JAALLE ENG. CABDULXAKIIM ISKA ILOW KISMAAYO,MAXAAD KA QABATAY COLAADA BAH-ARARSAME & QAYAAD EE KOONFURTA SOOL DEEGAANADA KALA AH : DABATAAG & DHUMAY? YAAD KU HALLEYNEYSAA MA MUUSE BIIXI?
     
    UGU DAMBEYN DOWLADDA TAAGTA DARAN KOLKEY KU GUULDARREYSATAY DACAAYADAHA RAQIISKA AH AYEY KU BAAQDAY IN MAAMULADII KU SHIRAY KISMAAYO & MAAMULKA VILLA SOMALIA INEY MUQDISHO KU KULMAAN.
     
    BAL AYNU EEGNO JAWAABTA GOLAHA MAAMULADA EE DHOWAAN KU SHIRAY KISMAAYO.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    August 27, 2025

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    August 27, 2025

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.