Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirweynaha caalamiga ah Ee Maalgashiga Somaliya Oo ka furmay Muqdisho
    Somalia

    Shirweynaha caalamiga ah Ee Maalgashiga Somaliya Oo ka furmay Muqdisho

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 28, 2022Updated:November 28, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya ayaa xusay in dalkeenna ay ka jirto fursado maalgashi oo ballaaran.

    Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi, taas oo ay aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo dowladnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka mid noqoshada suuqyada iyo ururrada caalamiga ah ee ganacsiga.

    Madaxweynaha,ayaa bogaadiyey dhabar adaygga iyo kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficillada gurracan ee ay soo maleegaan argagixisadu, waxa uuna xaqiijiyey in dalka laga cirib tiri doono arxan-laaweyaashaas, si sharaf iyo barwaaqo ay ugu noolaadaan muwaadiniinta Somaliyed.

    โ€œIn kastoo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horreyso argagixisada, abaaraha, hannaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo laโ€™aanta dhallinyarada, haddana dhammaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaallo aan ku xallinayno iyo fursado ballaaran oo ka jira dalka.โ€.

    Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagay kobaca gancsiga iyo mashaariicda guuleystay ee ay fuliyeen dhallinyarada iyo maalgashadeyaasha Soomaaliyeed, isagoo ku bogaadiyey ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed sida ay hantidooda ugu soo celiyeen dalkooda, door muuqdana uga qaadanayaan horumarka.



    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.