Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Shirweynaha Deegaanka Oo Puntland si rasmi ah uga furmay
    Puntland

    Shirweynaha Deegaanka Oo Puntland si rasmi ah uga furmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 2, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 02 December 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta furay Shirweynaha deegaanka ee Puntland kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland, isla markaana socon doona muddo labo maalmood ah.

    Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland, ayaa furitaankii Shirka kusoo bandhigtay warbixino maqal, muuqaal iyo qoraal isugu jira oo ku saabsan xaaladda deegaanka ee Puntland iyo dadaalka aan kala joogsiga laheyn ee ay wado Wasaaradda Deegaanka si loo illaaliyo daaqa iyo duunyada.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland wuxuu la wadaagay Shirka in Dowladu ahmiyad gaar ah siinayso deegaanka, maadaama ay nolosha bani’aadamku ku tiirsantahay, wuxuu muujiyey in deegaanka oo la illaaliyo ay meel sarre uga jirto siyaasadda Dowladda iyo Qorshaha horumarinta Puntland.

    Shirweynaha Deegaanka Puntland oo marka uu soo dhammaado laga soo saari doono War-qoraal ah, waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland, laamaha amniga, Aqoonyahano rag iyo dumar isugu jira oo ka kala yimi dalka iyo dibadaba, dadka ka shaqeeya arrimaha deegaanka, Hay’addaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Puntland iyo marti sharaf kale .

    – DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND –

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    June 25, 2025

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.