Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Shirweynaha Deegaanka Oo Puntland si rasmi ah uga furmay
    Puntland

    Shirweynaha Deegaanka Oo Puntland si rasmi ah uga furmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 2, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 02 December 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta furay Shirweynaha deegaanka ee Puntland kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland, isla markaana socon doona muddo labo maalmood ah.

    Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland, ayaa furitaankii Shirka kusoo bandhigtay warbixino maqal, muuqaal iyo qoraal isugu jira oo ku saabsan xaaladda deegaanka ee Puntland iyo dadaalka aan kala joogsiga laheyn ee ay wado Wasaaradda Deegaanka si loo illaaliyo daaqa iyo duunyada.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland wuxuu la wadaagay Shirka in Dowladu ahmiyad gaar ah siinayso deegaanka, maadaama ay nolosha bani’aadamku ku tiirsantahay, wuxuu muujiyey in deegaanka oo la illaaliyo ay meel sarre uga jirto siyaasadda Dowladda iyo Qorshaha horumarinta Puntland.

    Shirweynaha Deegaanka Puntland oo marka uu soo dhammaado laga soo saari doono War-qoraal ah, waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland, laamaha amniga, Aqoonyahano rag iyo dumar isugu jira oo ka kala yimi dalka iyo dibadaba, dadka ka shaqeeya arrimaha deegaanka, Hay’addaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Puntland iyo marti sharaf kale .

    – DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND –

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.