Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirweynaha waxbarashada oo ka furmay Magaalada Muqdisho
    Somalia

    Shirweynaha waxbarashada oo ka furmay Magaalada Muqdisho

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 24, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah-furay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo diiradda lagu saarayo hannaanka waxbarashada sare ee bulshooyinka colaadaha kasoo kabanaya.
     
    Shirkan oo sannadkiiba mar la qabto, qaban-qaabadiisana ay leedahay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada waxbarashada iyo qorshaynta, xildhibaanno, Safiirro, xeer ilaaliyaha qaranka iyo aqoonyahnno ka socda jaamacadaha gudaha iyo dibadda, waxaana laga filayaa natiijo wanaagsan oo ka qayb qaadanaysa horumarinta hanaanka waxbarashada sare.
     
    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay gudoomiyaha jaamacadda ummadda Soomaaliyeed qaban-qaabada kulankaan muhiimka ah, waxa uuna ka qayb galayaasha kula dardaarmay in ay maskaxda shiilaan oo sedaxda maalin ee shirkani socanayo ay soo saaraan natiijo kaabaysa horumarinta waxbarashada sare ee dalka.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.