Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sidee U dhacay weerarkii Ra’isalwasaaraha Haiti?
    Somalia

    Sidee U dhacay weerarkii Ra’isalwasaaraha Haiti?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 4, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Koox hubeysan ayaa isku dayday inay disho Ra’iisul Wasaaraha dalka Haiti, Ariel Henry, xilli uu ka qayb galayay munaasabadda sanad guuradii kasoo wareegtay markii uu waddankaas qaatay xornimadiisa, sida ay booliska sheegeen.

    Falkan lagu beegsaday Mr Henry ayaa ka dhacay kaniisad ku taalla magaalada Waqooyiga-bari xigta ee Gonaïves.

    Muuqaal lagu shaaciyay internet-ka ayaa lagu arkayay ra’iisul wasaaraha iyo ilaaladiisa oo cagahooda uga baxsanaya goobta, iyagoo ku ordaya goobta ay gawaarida u yaalleen.

    Mr Henry iyo shakhsiyaadka kasoo baxsaday goobtaas ayaa soo orday iyadoo ay socotay rasaas aad u culus, sida muuqaalka lagu arkay.

    Xaaladda amni ee waddanka Haiti ayaa aad u xumaatay tan iyo markii la dilay madaxweynihii dalkaas Jovenel Moïse, bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay.

    Mr Henry ayaa wacad ku maray in uu gacan bir ah ku wajihi doono kooxaha burcadda awoodda badan ee lagu eedeeyay inay mas’uul ka yihiin mowjad afduub ah.

    Kooxahan ayaa sidoo kale lasoo tebiyay in ay gacanta ku dhigeen maamulka inta badan goobaha shidaalka laga bixiyo ee dalkaas, arrintaas oo sababtay dhibaato shidaal yaraan ah.

    Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in “burcad argagixiso ah” ay ka dambeeyeen isku dayga dilka ah, haddana la sameeyay warqado fasax ah oo lagu soo xirayo dadka la tuhunsan yahay.

    Mas’uuliyiinta xafiiska ayaa ku eedeeyay kooxda weerarkan geysatay inay isku qariyeen darbiyada si ay u beegsadaan kolonyada gawaarida ee Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kalena ay baadariga kaniisadda handadeen iyagoo isku gedaamay goobtaas, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Associated Press.

    Hal ruux ayaa ku dhintay mid kalena waa lagu dhaawacay rasaasta dhex martay kooxda hubeysan iyo ciidanka amaanka, sida ay ku warrameen warbaahinta maxalliga ah.

    Weerarkan ayaa guul darro kale ku ah maamulka aan cagaha adag ku taagneyn ee Mr Henry, oo ku simaha madaxweynaha Haiti noqday labo isbuuc kaddib markii la dilay Moïse.

    Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa isku dayga dilka ah oo la aaminsan yahay inay fuliyeen kooxo calooshood u shaqeysteyaal ah.

    Wali ma jirto taariikh loo asteeyay inay dhacdo doorashada madaxweynaha cusub ee uu yeelan doono dalkaas.

    Sare u kaca qalalaasaha iyo hoos u dhaca dhaqaalaha waxaa uga sii daray musiibooyinkii dabiiciga ahaa ee sanadihii lasoo dhaafay ka dhacay waddankaas, waxaana aad u sii badanaya tirada dadka reer Haiti ee fursadaha u raadsanaya waddamada kale.

    Koox ku taqasustay khaarijinta iyo shirqoollada dilka, oo u badnaa askar howlgab ka noqotay ciidamada Colombia, ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen dilkii madaxweynihii Haiti, Jovenel Moïse.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.