Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Socdaalkii Madaxweynaha Fadaraalka Itoobiya Ee Jigjiga Oo guul daro kusoo idlaaday
    Somalia

    Socdaalkii Madaxweynaha Fadaraalka Itoobiya Ee Jigjiga Oo guul daro kusoo idlaaday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 5, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka itoobiya Attoo Toshome,ayaa soo gaaray maalinkii shalay ahaa caasimada Dowlad Deegaanka Somalida ee Jigjiga.

    Madaxweyne Tashome,ayaa u yimid Jigjiga dajinta xaalada kacsan ee Deegaanka kadib markii Ciidamada Milatariga Dowlada Fadaraalka itoobiya Batalyan ka mid ah uu gudaha usoo galay caasimada Jigjiga,isla markaana la wareegay xarumaha maamulka ee muhiimka ah,kuwaasoo ay ka mid yihiin xarunta Qasriga madaxtooyada,xarunta Baarlamaanka,xarunta Tv-ga iyo xarumo kale.

    Attoo Toshome,ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo Golihiisa Wasiirada,iyagoo kawada xaajooday xaalada taagan iyo sdii loo dajin lahaa.

    Madaxweynaha Fadaraalka Itoobiya,ayaa sheegay in uu fariin kawado ra’isalwasaaraha taasoo ah aaligalin uu ka bixinayo talaabadii ciidamada fadaraalka ay gudaha ugu soo galeen magaalada Jigjiga iskuguna dayeen in ay ku badalaan maamulka DDSI si khasab ah.

    Madaxweyne Tashome waxuu qiray in ay talaabadaas ahayd khalad, raali galina ay ka bixinayso dowlada fadaraalka itoobiya.

    Golaha Wasiirada iyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa ku gacansayray codsiga Madaxweyne Tashome,isla markaana usheegay in ay aqbalayaan raaligalintaas oo kaliya markii ay si cad dowlada fadaraalka uqirato in ay khalad gashay,soona xirto sarkaalkii watay Ciidamadii soo galay gudaha Magaalada Jigjiga.

    Sidoo kale laga laabto hadalkii kiciyey Shacabka DDSI ee ahaa in 5% ay ku leeyihiin Somalida Itoobiya Qoondada Shidaalka kaasoo ka hor imaanayay Dastuurka fadaraalka ee dalka.

    Dhanka kale qurbajoogta DDSI,oo kulamo deg-deg ah ka yeeshay talabaadii ay ciidamada fadaraalka itoobiya Batalyan kamid ah ay gudaha ugu soo galeen Magaalada Jigjiga,ayaa isku raacay in ay garab taagan yihiin maamulka Deegaanka iyo Ciidamada Liyuu Booliska ee ku jira difaaca dhulkooda.

    Sidoo kale qurbajoogta waxay ku baaqeen in maalinka Jimcaha ah ee soo socoda guud ahaan Dhulweynaha DDSI laga dhigo mudaaharaadyo waa weyn oo loogu baroor diiqayo dadkii ku waxyeeloobay talaabadii Ciidamada,isla markaana lagu garab istaagayo Ciidamada iyo maamulka DDSI.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.