Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Somali laga soo tarxiilay Maraykanka Oo lasoo garsiiyay Muqdisho
    Somalia

    Somali laga soo tarxiilay Maraykanka Oo lasoo garsiiyay Muqdisho

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 29, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdulcasiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa sheegay in 83 qof oo laga keenay Maraykanka ay soo gaadheen garoonka maanta kadibna ay xaaladda dadkaasi la wareegtay dawladda Soomaaliya.

    Waa markii afraad ee tan iyo intii uu xilka qabtay madaxweynaha Maraykanka dad loo tarxiilo Soomaaliya.

    Bishii December ee aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii dawladda Maraykanku ay ku guuldarraysatay inay Soomaaliya ku celiso in ka badan 90 qof oo Soomaali ahaa kuwaasi oo laga soo celiyey dalka Senegal. Dadka saarnaa diyaaradaasi ayaa ku dacwooday in la xirxiray oo si xun loola dhaqmay.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa mid ka mid ah siyaasadihiisa ka dhigay in dadka aan sharciga lahayn iyo kuwa dambiyada galay laga tarxiilo dalkan. Dhinaca kale Donald Trump waxa uu soo saaray sharci mamnuucaya dadka qaxootiga ah ee ka yimaada ilaa 7 waddan oo ay ku jirto Soomaaliya, isgaoona sheegay inuu tallaabadaais u qaaday sababo dhinaca amnig ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.