Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Somalida Jigjiga oo yeelanaysa 50% dakhliga Gaas-ka Ee Deegaankooda
    Somalia

    Somalida Jigjiga oo yeelanaysa 50% dakhliga Gaas-ka Ee Deegaankooda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 10, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Aqalka sare ee Baarlamaanka Itoobiya ayaa meel mariyay xeer qabyo ah, kaasoo qeexaya inta uu la’eg yahay Saamiga uu dowlad deegaanka yeelanayo,kaddib markii shidaal laga helay deegaanka Hala-quraan.


    Sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha sharciga oo ay soo diyaarisay Wasaarada Batroolka Itoobiya oo uu meel mariyay Baralamaanka dalkaasi ayaa muujinaya in dowlad deegaanka Soomaalida uu yeelanayo 50% dakhliga ka soo xarooda shidaalka dhulkiisa laga soo saaro.Inta soo hartay 25% waxaa iskaleh dowladda federalka Itoobiya, halka 25% loo qeybinayo gobollada kale ee Itoobiya.


    Gaaska laga helay Ismaamulka Soomaalida oo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet, ayaa waxaa ogaatay African Global Energy Ltd oo ah shirkad ka shaqeysa dhinaca Tamarta oo laga leeyahay dalka Ingiriiska.


    Qorshahan waxaa ka soo shaqeeyay Golaha Federaalka Itoobiya, waxaana gobolka Soomaalida ku metala Mustafa Maxamed Cumar, madaxweynaha deegaanka, Aadan Faarax, ku xigeenkiisa, Cabdi Maxamed, afhayeenka baarlamaanka, Mubashar Dubad Raage, wasiirka Maaliyadda, Rashiid Xaaji, gudoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Itoobiya iyo Eng Maxamed Shaale, madaxa xarunta dhexe ee xisbiga deegaanka ka arrimiya.


    Arrintan ayaa meesha ka saareysa hadal heyn muddooyinkan Warbaahinta ay qoreysay, taasoo la xiriirtay in 5% uu dowlad deegaanka Soomaalida ku yeelanyo shidaalka laga helay dhulkiisa, iyadoo warkaasna la sheegayay in laga soo xigtay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.