Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Somalida oo si la yaab leh uga falcelisay Safiirka cusub Ee Sacuudiga
    Somalia

    Somalida oo si la yaab leh uga falcelisay Safiirka cusub Ee Sacuudiga

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 19, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa si yaab leh oo laga naxo uga falceliyey kulan maanta waraaqaha aqoonsiga danjirenimo soomaaliya uga guddoomaysey Safiirka cusub ee dowladda Sucuudiga.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa barteeda Facebook ku baahisay sawirada Wasiirka arimaha dibada soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomaya safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya, Danjire Axmed Bin Maxamed Almowallad.

    Arinta layaabka lihi waa sida liidata ee ay Soomaalidii ra’yiga dhiibanaysey ay uga fal-celiyeen sinjiga Danjiraha cusub ee Sucuudiga ee dowladda Sacuudiga ay u soo magacowday Soomaaliya

    Iyagoo muujinaya in aanay ku qanacsanayn safiirka safiirka cusub , marka loo eego dhanka midabkiisa oo uu yahay nin madow ah, ayaga oo hadallo cunsurinimo ah kula kacay iyagoo aynu ognahay in Soomaalidu midabkoodu madow yahay .

    Dadka qaarkood ayaa xitaa u gefayey degmooyin iyo meelo ka tirsan isla dalka Somalia, taasoo muujinaysa sida uu u liito wacyiga dad badan oo Soomaali ah oo u baahan baraarujin aad u badan iyo tacliin .

    Dadweynaha qaarkood waxay ku macneeyeen in soomaaliya loo soo magacaabo safiir madow ah ay tahay Yasitaan Sucuudigu yasayo Soomaaliya !!

    Waa kuwan fal-celinta dadweynaha qaarkood ka bixiyeen safiirka cusub ee sucuudiga.

    ” Sucuudigu bahdilka intaa le’eg maxay noogu wadaan, maxay nin caraba noogu soo magacaabi wayeen, kan sanka baaquligaa leh uma bogine ” !

    ” Waxan madowga badan Sacuudi Carabiya wanaag nooguma soo dirin, waa ihaano qof kaan xitaa diplomat-ka maha waa kuwa suuqa ka tuugsada “

    “Sacuudiga nin cad oo caraba ma nagu aamini waayey, anaga african maahine “

    ” Yeeli mayno nin carab ah ha keenaan hadii kale hana-gala tageen awalba Mareykan Chinese ah noo keeneen “

    ” Xitaa South Sudan uma dirin Safiirka madow ah hadane Carab Sacuudiyan ah “

    ” Kan madow maxay nagala soo dooneen may mid carab ah noo soo diraan waanba ka shakiyee amuu Suudaani yahay “

    ” Sucuudi beel ee, na dhaha Safiirki Sudan weeye!.”

    “Mid madow bey soo direen kan Cas meesha malaha waa lagu qarxinayaa “

    “Carab Soomaaliya faa’iido uma hayso “

    ” Waa adoontii waagii hore laga dhoofinjiray Barbara iyo saylac oo la xoreeyay “

    “Anageey noo soo diraayaan xasanoow al-xarbi Al-xabashi uhh dheh “

    ” Safiirkaan Asalkiisa Waa Reer #Afgooye Balse Ku Dhashay Saudi Arabia “

    Waxaa yaab leh in dad Soomaali ah oo madow ay haddana cunsuriyeeyaan qof kale oo madow, oo weliba ah Muslim ku diin ah, taasi oo muujineysa heerka ay Soomaalida ka gaareen kibirka iyo isla weynida.

    WQ.Abdirisak Jubba.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    October 28, 2025

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    October 28, 2025

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    October 28, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.