Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Somaliland oo sii daysay Wasiiro ka tirsanaa maamulkii Cabdi Iley
    Somalia

    Somaliland oo sii daysay Wasiiro ka tirsanaa maamulkii Cabdi Iley

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 26, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wasiir ka tirsan golaha wasiirrada ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland ayaa sheegay in ay sii daayeen laba wasiir oo ka tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
     
    Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland,ayaa sheegay in Ibraahim Aadan Mahad (Ibraahim-Sacad), wasiirkii hore ee waxbarashada, iyo Cabdijamaal Axmed Qaloombi, wasiirkii hore ee cadaaladda maanta la sii daayey.
     
    Labada Wasiir waxaa laga qabtay garoonka dayaaradaha ee Hargaysa, 21kii bishan Agoosto, ayagoo doonayey inay halkaa ka dhoofaan.
     
    Maxamed Kaahin Axmed wuxuu sheegay in labadaas wasiir loo haystay “in ay sharciga u gafeen oo ay Visa la’aan dalka soo galeen”, laakinse faahfaahin intaa dhaafsiisan ma uusan bixin.
     
    Xubnihii ka tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ayaa badankood hadda waxay yihiin kuwo aan shaqayn, ama shaqooyinkii ay hayeen isaga tegey, waxaana lagu eedeynayaa inay xadgudubyo gaysteen, inkastoo aysan jirin cid weli eedahaas maxkamad loo soo taagay.
     
    Cabdi Maxamuud Cumar ayaa isaguna, sida ay wararku sheegayaan, wuxuu ku jiraa xabsi guri, magaalada Addis Ababa, ayadoo ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu shalay warfidiyeenka u sheegay in “arrintiisa ay tahay mid u taalla sharciga Itoobiya”.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.