Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Somaliya iyo Baanka Aduunka oo kulan ku yeeshay Muqdisho
    Somalia

    Somaliya iyo Baanka Aduunka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 17, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xamsa Cabdi Barre,ayaa maanta Muqdisho furay shirka hannaanka wadashaqeynta ee u dhexeeya dowladda fedraalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

    Xukuumadda uu hoggaamiyo Xamsa,ayaa kulanka ku soo bandhigtay siyaasadda ku aadaan dib u habeynta hay’addaha dowladda si loo gaaro hiigsiga cusub ee nabadda, degenaanshaha iyo dimuqraadiyadda ku asteysan.

    “Somaliya waxay maanta taagan tahay marxalad kalaguur ah oo taariikhdeeda ku suntan. Dalkuna wuxuu ka soo baxayaa xaaladdii loo yaqiin ‘dowlad fashilantay’ oo dagaallo sokeeyey hareeyeen, wuxuuna hiigsanayaa waa cusub oo nabad, degenaansho iyo dimuqraadiyad ku asteysan, kaas oo diyaar u ah in uu soo jiito maalgashi ballaaran,”Ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa Bangiga Adduunka uga mahad celiyay taageerada hagar la’aaneed ee gaar ahaan geeddi-socodka dhammeysirka deyn cafinta oo sabab u ahaa fududeynta iyo taabbagelinta isbeddelka.

    Somaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyey wadday isbeddello dhinaca dhaqaalaha iyo maamulka hay’adaha maaliyadda ah oo uu kor joogteynayo Bankiga Adduunka, si Soomaaliya looga cafiyo deyta lagu leeyahay oo aheyd $5.3 bilyan kahor inta aanay dalal dhowr ah u saamixin.

    Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bankiga adduunka ayaa 14-kii Febraayo 2020 ku dhawaaqay inay Somaliya u qalanto in daymaha lagu leeyahay laga khafiifiyo, waxayna soo gaartay marxaladda dhameystirka, oo haddii ka gudubto si rasmi ah deynta looga cafinayo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.