Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Somaliya:-Kiiskii labaad oo Corona laga helay
    Somalia

    Somaliya:-Kiiskii labaad oo Corona laga helay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 27, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in kiiskii labaad ee Coronavirus ah ee gudaha Soomaaliya laga helay qof ku sugan magaalada Muqdisho.

    Wasiirka oo la hadashay warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in qofka labaad ee laga helay xanuunka Coronavirus uu yahay qof Soomaali ah oo ka yimid dibedda, kaasi oo ka mid ah dad ay karantiileysay dowladda.

    β€œKiiskaan waa kiiskii labaad ee la helo, baaritaan aan isbuucii hore dirnay ayuu jawaab u ahaa, oo xaqiijiyey xanuunka. Ma ahan qof calamaduhu ay ka muuqdaan, wuxuu ka mid yahay dadka karantiilka ku jira,” ayay tiri wasiir Fowsiya Abiikar Nuur.

    Fowsiya ayaa sidoo kale sheegtay in qofka laga heley cudurka COVID-19 hadda xaaladiisa degan tahay, balse ay meel kusii hayn doonaan, siina wadi doonaan baaritaanada illaa uu ka caafimaado, si loo sii daayo.

    Wasiirka ma shaacin dalka uu ka yimid qofkan, hase yeeshee dowladda ayaa horey u karantiileysay dad ka yimid dalal ay ku jiraan Shiinaha iyo Talyaaniga oo Soomaali ah.

    Dawladda Soomaaliya ayaa 16-kii March xaqiijisay kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah ee laga helo gudaha Soomaaliya, kaasi oo ahaa muwaadin kasoo laabtay dalka Shiinaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.