Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»SOMALIYA MA LEEDAHAY CIIDAMO QARAN?W/Q: Musse Said Aw-Musse
    Somalia

    SOMALIYA MA LEEDAHAY CIIDAMO QARAN?W/Q: Musse Said Aw-Musse

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 12, 2022No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    SOMALIYA MA LEEDAHAY CIIDAMO QARAN?

    Wax ka ogow xaqiiqada dhabta ah ee ciidanka xoogga soomaaliyeed.

    Ciidankan oo marka xaqiiqada laga hadlo ah ciidan lagu khasaaray ayaa dad badani aaminsan yihiin inuu yahay ciiddan dhab ah oo jira, lehna nidaam iyo shuruuc uu raaco oo ku dhaqmo.

    Marka kowaad aan isla qirno oo hoosta ka xariirqno inaan ciidankani jirin mudo 62 sano ah. Qof kastaa waa uu og yahay in ciidanka soomaaliyeed uu kala yaacay oo burburay sanadku markuu ahaa 1991dii. Waxaa ka dib dib loo yagleelay 2010kii ka dib markii uu saaxadda ka maqnaa ku dhawaad 20 sano.

    Ciidankani marna ma noqon ciidan qaran oo u adeega shacbiga. 1969kii ayeey ku tunteen dastuurkii iyo nidaamkii dalka u oolaa ka dib markii ay sameeyey afduub iyo inqilaab aan sharci ahayn oo si toos ah ugu milmeen siyaasadda oo xaaraam ka ahayd. Mudo 21 sano ah waxay ahaayeen ciidan lagu gumaado shacabka soomaaliyeed. Waxay markii hore soo burburiyeen sadexda gobol ee kala ah Mudug, Nugaal iyo Bari. Markii dambana waxay burburiyeen gobaladii Waqooyi Galbeed. Waxay taangiyaal, Beebayaal iyo diyaarado u adeegsadeen shacabka soomaaliyeed. Waxay qudha ka jareen dad soomaali ah oo kor u dhaafaya hal malyan, waxay bara kiciyeen oo qaxiyeen malaayiin soomaali ah.

    Marna ma aysan ahayn ciidan ku shaqeeya sharci oo shacabka u adeega, ee waxay ahaaayeen ciidan u shaqeeya shakhsi kaligiitaliye ah, kuwaas oo danaha shakhsigaas iyo awaamiirtiisa fuliya.

    Ciidanka xoogga dalka marna kama marnayn danaha qabiilooyinka, waxayna ahaayeen kuwo mar kasta ku dhaqma qabyaalad. Marka la qorayo waxaa soo qoro ilaa iyo maanta kaabo qabiilo iyo nabadoono. Waxay ku yimaadaan qaab qabiil. Ciidankani sida shakhsiyadda soomaaliga ahba ma aha kuwo aaminsan dawladnimo ee waxay aaminsan yihiin qabiil. Wixii ay geeystaan waxaa loo raacaa inta badan qabiilkooda. Marka siyaasaddu murugto nin kasta oo ciidankan ka mid ah wuxuu raacaa qabiilkiisa, wuuna og yahay inaan wax dad qaran la yiraahdaa jirin ee uu ku yimid qabiil.

    Ciidankani wuxuu dagaal aan laga fiirsan ku qaaday Itoobiya 1977dii. Dagaalkaas oo uu ku burnuray. Ciidankan waxaa qalabayntiisa iyo dhisidiisa iyo tababaradiisa lahaa mar kasta dalal shisheeye oo uu ugu horeeya dalkii Soofiyeedka. Soofiyeedku ujeedka uu ka lahaa wuxuu ahaa inuu Soomaaliya ku burburiyo, waana ku guulaystay arintaas.

    Ciidanka xoogga dalku wuxuu waligiis ahaa mooryaan, dumarka kufsata, oo dadka dhacda. Waligood ma aysan sugin amniga shacabka. Ilaa maanta iyada ayaa amniga qofka soomaaliga ah khatar ku ah. Waa kuwo aan ka marnayn qabyaaladda iyo aargoosiga. Maantadan wax ay qabtaan malaha aan ka ahayn inay u shaqeeya shakhsiga madaxda ah. Waxay ciidanka ugu jiraan waa eexaysi mushaharkooda iyo qayilaadooda ah ee malaha dan kale. Mana ah ciidan sharciyad ku shaqeeya oo la isku halayn karo. Waa calooshood u shaqaystayaal, waligood lagu dhibi jiray shacabkooda.

    Ciidanku malaha eeda. Waxaa sidaas ka dhigay oo denbiga leh siyaasiga danleeyda ah ee fahamka khaldan ka haysta ciidan waxa loogu talogalay. Wuxuu siyaasigu ka faa’ideystaa duruufta haysta dhalinyaradan ciidamada qorata.

    62 sano ee laguu sheegayo, marka laga jaro 21 sano oo shacabka lagu xasuuqayey, waxaa ku xiga 20 sano oo ay guryahoodi kala aadeen (1990-2010), halkaas waa 41 sano. 9 sano oo ka horaysay oo ahayd wakhtigii uu dhisidooda waday Soofiyeedku iyo 12 sano oo hadda lagu jiray kuf kaca (2010-2022).

    Maanta oo Soomaaliya ay tahay Federaal waxay ku eg yihiin gobolada Koonfurta, halkaas oo inta badan ay ka taliso xarakada Alshabaab. Maanta oo sanadku yahay 2022 waa ciidan wali u shaqeeya shakhsi oo aan haba yaraatee waxba ka aqoon dawladnimada. Ma aha ciidan xataa ka qayb qaata waxsoosaarka dalka. In ka yar 1% ayaa dakhliga dalka iyaga lagu maalgeliyaa. Intaasna waxaa bixiya dawlado shisheeya. Xataa lama barin inay raashinkooda beertaan. Xoogaa mushahar ah ayaa la siiyaa. Tababarkana waxaa siiyaa wadamo shisheeye.

    Warku wuxuu ku dhan yahay Soomaaliya malaha ciidan. Ha la gaaro wakhtiga ay soomaalidu ciidan shacabkooda ilaaliya dhisato oo faham u yeelato dawladnimada. Laakiin maanta waxaa jira waxaa lagu tilmaami karaa askar maleeshiyaad ah. Si kasta oo sawiradooda kaamarada loogu qurxiyo waa hungo maran oo aan lahayn shuruuc iyo anshax midna.

    Soomaalidu waa inay beenta iyo huuhaada iska ilaawaan oo runta isu sheegaan. Sida ay yihiin iyagu waa soomaalidee ayaa ciidankuna yahay. Umad qabiilku uu dawlad u yahay. Ma dhawa dawladnimada Soomaaliya. Yaan la isku indha sarcaadin sawiro been ah.

    Naftaada isaga ilaali ciidanka la sheegayo yeey taleefanka caawa kaa furan. Xaqiiqdu waa taas.

    W/Q: Musse Said Aw-Musse

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.