Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Somaliya oo ka bixisay jawaab jilicsan dadaansiga Kenya
    Somalia

    Somaliya oo ka bixisay jawaab jilicsan dadaansiga Kenya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 23, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa looga jawaabay tallaabooyin dhowr ah oo ay Kenya ka qaadday isu socodka ganacsiga iyo dadka ee labada dhinac.


    “Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (“dowladda Soomaaliya”), iyada oo qaddarinaysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), waxay aad uga walaacsan tahay go’aankii ay dhawaan qaadatay Dowladda Kenya ee lagu xadaynayey dal ku galka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya,” ayaa lagu billaabay qoraalka warkan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.


    Arrintan waxay imaaneysaa iyadoo wafdi heer sare ah oo ka socday Soomaaliya, kana qeyb gali lahaa shir ka dhacay Nairobi loo diiday dal ku dalka Kenya, kuwaasoo markii dambena dib loogu celiyay magaalada Muqdisho.


    Inkastoo wafdiga ay ku safrayaeen baasaboor diblumaasi ah, haddana dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ahayd in visa-ha ay ka soo qaataan safaaraddooda ku taalla Muqdisho.

    Ciid Baddel Maxamad, oo ah diblumaasi hore, ayaa sheegay in jawaabta dowladda Soomaaliya lagu tilmaami karo inay tahay mid “gacan ku-gabbad ah”.


    Waxaa uu sheegay in Kenya ay u muuqato inay cad-cadahay, halka Soomaaliya ay ka muuqato in “aysan aqbalin in Kenya ay go’aansatay inay ka baxdo heshiisyadii ay galeen labada dhinac”.


    Ciid Baddel ayaa sheegay in sababta ay noqon karto “dano shakhsi ah” oo madaxda qaarkeed ay ka leeyihiin dalka Kenya, taas oo laga yaabo inay Kenya ku qaadday inay dareento inay madaxdu “faro ka hayso”.


    Warka ka soo baxay dowladda federaalka ee Soomaaliya waxaa lagu muujiyay oo keliya ah walaaca ay ka qabaan go’aanka Kenya.


    “Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah uga walaacsantahay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhowaan u safray magaalada Nairobi, kuwaas oo ay ku jireen wasiirro iyo xildhibaanno, ay xinnibaad ku sameeyeen saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka Kenya, Baasaboorradoodii laga qaaday, ka dibna dib loogu soo celiyay Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka.


    Dowladda Kenya ayaa sidoo kale dhowaan joojisay duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, waxaana loo weeciyay magaalada Wajeer, halkaas oo baaritaanno dheeraad ah loogu soo sameynayo kahor inta aysan usoo gudbin Nairobi.


    Balse waxay Soomaaliya arrintaas ku tilmaamtay mid ka hor imaaneysa heshiiskii ay labada dowladood horey u wada saxiixdeen.


    Si kastaba, qeyb ka mid ah warsaxaafadeedka oo dowladda Soomaaliya ay ugu muuqatay in ay Kenya digniin siineyso ayaa lagu xusay:

    “Tallaabooyinkaasi waxay carqalad ku yihiin xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidaas darteed, dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dowladda Kenya inay xeeriso carqaladaha ay keeni karaan tallaabooyinkaasi oo ay ilaaliso xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya labadeenna dal, isla-markaana tix geliso dabciga dublamaasiyaddeed iyo ixtiraamka labada waddan kala mudan yihiin”.


    Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sii xumaanayay tan iyo markii maxkamadda cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ la isla aaday, taas oo ka dhalatay muran dhanka xuduudda badda ah oo u dhexeeya labada waddan.


    In kastoo Kenya ay shuruucdan u muuqda cadaadis la saarayo dowladda Soomaaliya soo rogtay, haddana dowladda federaalka Soomaaliya waxay shaacisay in ay sii wadi doonto soo dhaweynta dadka u dhashay Kenya ee Soomaaliya safarada ku taga.


    “Dowladda Soomaaliya waxaa dhankeeda ka go’an inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, waxayna sii wadi doontaa soo dhaweynta muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

    Xigasho BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.