Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Somaliya Oo markii Ugu horaysay 27-sano kadib ku heshiisay maamulka Khayraadkeeda Badda
    Somalia

    Somaliya Oo markii Ugu horaysay 27-sano kadib ku heshiisay maamulka Khayraadkeeda Badda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 12, 2018Updated:February 12, 2018No Comments5 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxda dowladda federaalka oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka oo afartii maalmood ee la dhaafay shir uga socday Muqdisho ayaa heshiis ka gaaray qaabka loo qaybsanayo dakhliga ka soo xarooda ruqsadaha la siiyo shirkadaha ajnebiga ah ee ka kalluumaysta xeebaha Soomaaliya.

    Halkan Ka Akhriso Qodobada Lagu Heshiiyay

    HOR-DHAC

    Annagoo tixgelineyna baahida weyn ee loo qabo ilaalilnta, maareeynta iyo in si joogta ah looga faaiideysto kheyraadka kalluunka badda.

    Annagoo aqoonsan muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalku ay heshiis ka gaaraan dakhliga Kalluumeysiga.

    Markaan aragnay baahida loo qabo in ilihii dhaqalaha dalka dib loo soo nooleeyo si ay dowladda ugu suurta-gasho in ay ku fillaato bixinta kharashyada sugidda amniga iyo dib-u-dhiska waddanka oo ay ugu muhiimsan yahiin Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

    Markaan aragnay baahida loo qabo in si caddaalad ah oo daahfuran loo maamulo dakhliga kalluumeysiga.

    Markaan aragnay qodobka 52aad ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah oo qeexaaya in awoodaha iyo dakhliga kheyraadka ay ka wada xaajoonayaan Dowaladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda.

    Markaan aragnay qodobka 14aad ee Sharciga Kallumeysiga Soomaaliya ee soo baxay 2014 kuna saabsan rukhsadaha kallumeysiga.

    Markaan tixgelinnay danta guud ee Dalka iyo Dadka waxaan ku heshiinay qodoboda soo socda:

    QODOBADA HESHIISKA

    Qodobka 1aad

    DHINACYADA HESHIISKA

    Waxaa heshiiskaan wada gaaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Benaadir

    Qodobka 2aad

    BIXINTI RUKHSADAHA

    a) Bixinta rukhsadaha kalluumeysiga wixii ka sarreeya 24 Nautical Miles ee Aagga Dhaqaale ee (EEZ) waxaa u xilsaaran Dowladda Feedraalka ah oo ay masuul uga tahay Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.
    b) Bixinta rukhsadaha wixii ku eg 24 nautical miles waxaa u xilsaaraan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
    c) Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Federaalka waxay wakiillo ku yeelaneeysa caasimadaha Dowlad Goboleedyada si ay u fududeeyaan soo gudbinta macluumaadka la xariira bixinta rukhsadaha kalluumeysiga iyadoo la tixgelinayo habraacyada u degsan rukhsad bixinta waafaqsan Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya.
    d) Qiimaha curaarta ee rukhsad bixinta kallumeysiga waxaa lagu saleynaayaa nooca kalluunka iyo muddada ruqsadda oo uu codsaduhu soo weydiistay iyadoo la tixgelinaayo tartanka sayladaha ee qiimaha bixinta rukhsadaha.
    e) Habraaca qiimaha rukhsad bixinta iyo macluumaadka codsiga kaluumeysiga waxaa loo raacaayaa heerka caalamiga ah ee codsiga rukhsadaha kalluumeysiga (International Standard of Application for Fishing Licences) ee ku lifaaqan heshiiskan.
    Qodobka 3aad

    HAYADDA KALLUUMEYSIGA SOMAALIYEED

    Waxaa la abuurayaa Hayadda Kallumeysiga Soomaaliyeed (Somali Fisheries Authority) oo masuul ka ah ilaalinta kalluymeysiga Soomaaliyeed. Hayaddaas waxaa Guddoominaaya Wasiirka Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Federaalka waxaana xubna ka ah wasiirada kallumeysiga dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federalka.

    Xilka iyo wajibaadka Hayadda Kallummeysiga Soomaaliyeed waxa soo saraya Guddiga Aminga Qaranka oo ka kooban Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Raisul Wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha dawladda xubinta ka dawladda federaalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir.

    Qodobka 4aad

    KEEYDINTA IYO MAAMULIDDA DAKHLIGA KA SOO XAROODA KALLUUMEYSIGA IYO KHEEYRAADKA BADDA

    Dakhliga ka soo xarooda rukhsadaha kaluumeysiga waxaa lagu keydinayaa xisaab (Account) gaar ah oo laga furi doono Bangiga Dhexe ee Soomaaliyqa.

    Qodobka 5aad

    QEEYBSIGA IYO UJEEDDOOYINKA LOO ISTICMAALAYO DAKHLIGA

    Qeeybsiga iyo ujeedooyinka isticmaalka dakhliga ka soo xarooda kaluumeysiga waxaa go’aan ka gaaraaya guddi ka kooban madaxweynaha Dowladda Federaalka, Raisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyadoo mudnaan gaar ah la siin doono arrimaha amniga iyo dib-u-dhiska dalka.

    Qodobka 6aad

    HABKA MAAMULKA XISAABTA

    a) Hannaanka maamulka xisaabta dakhliga kalluumeeysiga ee ka furan Bandhiga Dhexe ee Somaliya waxaa loo racaaya hannaanka maaliyadeed ee dalka u degsan ee loo yaqaan habmaamulka xisaabaadka (Public Financial Management).
    b) Waxaa xisaabta lacag looga saari karaa amarka Guddiga Madaxda fulinta Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyadoo amarka lacag bixinta uu dekreeto ku soo saaraayo Raisal Wasaaraha Xukuuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
    c) Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Federaalka oo u xilsaaran soo xeraynta dakhliga iyo bixinta kharashaadka, waa in ay si daah furan oo waafaqsan hab-xisaabeedka Sharciga waafaqsan u maamusho dakliga ka soo xarooda kalluumeysiga.
    d) Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalku waa in ay leeyihiin Hab-xisaabeedka Maamulka Maaliyadda oo daah-furan.
    Qodobka 7aad

    WAX KA BEDDELKA HESHIISKA

    Heshiiskan wax lagama beddeli karo illaa ay ku heshiiyaan dhinacyada Heshiiskan.

    Qodobka 8aad

    MUDDADA HESHIISKA

    Heshiiskan waxaa uu dhaqan gal yahay ilaa iyo inta ay Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir ka gaaraayaan heshiis dhameeystiran ee qeybsiga dakhliga ka soo xarooda kalluumeysiga.

    Qodobka 9aad

    DHAQAN GALKA HESHIISKAAN

    Heshiiskaan waxa uu dhaqan gelaayaa marka ay wada saxiixaan dhinacyada heshiiska.

    SAXIIXA HESHIISKA

    Dowladda Federaalka Somaaliya Mudane Xasan Cali Khayre

    Rai’sal wasaaraha XFS ______

    Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka

    Mudane Cabdiweli Maxamed Ali Gaas

    Madaxweynaha Puntland _____

    Mudane Axmed Maxamed Islaam

    Madaxweynaha Jubbaland ______

    Mudane Sharif Xasan Sheekh Aadan

    Madaxweynaha Koofur Galbeed _______

    Mudane Axmed Ducaale Geelle

    Madaxweynaha Galmudug…………______

    Mudane Maxamed Cabdi Waare

    Madaxweynaha Hirshabelle ______

    Mudane Cabdirxamaan Cumar Cusman

    Guddoomiyaha Gobolka Benaadir______

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.