Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sweden oo lagu Eedeeyey in ay afduubato caruurta Muslimiinta ah
    Somalia

    Sweden oo lagu Eedeeyey in ay afduubato caruurta Muslimiinta ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 23, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mas’uuliyiinta Sweden,ayaa dib isaga riixaya warar ku saabsan in hay’adaha Adeegga Bulshada dalkaas “ay afduubanayaan” caruurta Muslimiinta, ayaga oo cambaareeyey “olole been abuur ah” oo kalsooni darro loogu abuurayo qoysaska Muslimiinta.

    Arrintan ayaa ka dhalatay muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ee luuqadda Carabiga daba-yaaqadii 2021, kuwaas oo muujinayey hay’adaha daryeelka caruurta Sweden oo canug oynaya ka qaadaya waalidiintiisa.

    Ayada oo aan si dhab ah loo sharxin xaaladda ku hareereysan dhacdadaas, ayaa muuqaallada waxay Sweden ku eedeeyeen inay tahay dal fashiiste ah, oo caruurta Muslimiinta ku wareejiya qoysas Kirishtan ah, halkaasi oo lagu qasbo inay cunaan hilibka doofaarka, khamrigana cabaan.

    Kadib markii warbaahinta Bariga Dhexe ay faafiyeen muuqaalladan, saraakiisga dowladda Sweden iyo hay’adaha Adeegga Bulshada ayaa si xooggan u beeniyey.

    “Marnaba ma sameyno,” waxaa sidaas AFP u sheegay Wasiirka Socdaalka iyo Is-dhexgalka Swden Anders Ygeman, kaasi oo ku adkeystay in hadafka ugu weyn u yahay in la taageero qoysaska.

    Ygeman ayaa sheegay in ololahan ay huriyeen “waalidiin ciishoon oo ku guul-darreystay barbaarinta ubadkooda,” islamakraana u careysan mas’uuliyiinta.

    “Waxaa sidoo kale jira xoogag cuqdadeysan oo doonaya inay ciilka waalidiinta kaga faa’iideystaan inay ku faafiyaan is-aaminaad darro iyo kala qeybsanaan,” ayuu yiri.

    Mas’uuliyiinta Sweden waxay sheegeen in qaar badan oo ka mid ah muuqalladan ay yihiin kuwa hore, oo bixinaya ujeedo khaldan “oo danta laga leeyahay ay tahay kala qeybin.”

    Muuqaalladan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay qaar ka mid ah Imaamyada Masaajidda Sweden, iyo bogga Carabiga ee Malaayiinta qof ay ku xiran yihiin ee “Shu’uun Islaamiya” oo daabacay 20 muuqaal.

    Dibad-baxyo dhowr ah ayaa sidoo kale ka dhacay meelo badan oo ka mid ah Sweden, kuwaas oo looga soo horjeeday sida loola dhaqmo caruurta Musliiminta.

    Guddiga Qaran ee Caafimaadka iyo Daryeelka Sweden, oo ay hoos tagto Hay’adda Adeegga Bulshada ayaa ku adkeystay in caruurta oo laga qaado waalidkooda ay tahay xalka ugu dambeeya.

    “Waxaa la sameeyaa oo kaliya marka tallaabooyin kale aysan suurta-gal ah, islamarkaana ay jirto halis muuqata oo uu wajahayo canuga ama hormurkiisa la dhaawacayo,” ayey Guddiga u sheegeen AFP.

    Sanaddii 2020, guud ahaa 9,034 oo caruur oo laga qaaday waalidkooda ayaa ku jiray gacanta daryeelka dowladda, ayaga oo aysan waalidka raali ka aheyn, sida ku cad tiro-koobka dowladda.

    Cilm-baarayaasha ayaa sheegaya in inkasta oo caruurta laga qaado qoysaska muhaajiriinta ay ka badan yihiin kuwa Swedish-ka cad, haddana qoysaska Muhaajiriinta ay u badan yihiin kuwa marka hore diida inay aqbalaan caawimaadda hay’adaha adeegga bulshada.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.