Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Taalibaan oo ka joojiyay Gabdhaha Waxbarashada Jaamacadaha
    Somalia

    Taalibaan oo ka joojiyay Gabdhaha Waxbarashada Jaamacadaha

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 21, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaamiyaasha Taalibaan ee dalka Afghanistan,ayaa mamnuucay waxbarashada jaamacadaha ee haweenka dalkaasi, taasoo keentay in Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ay cambaareeyaan weerar kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

    In kasta oo ay ballanqaadeen xukun ka jilicsan kii 20-sano kahor markii ay xukunka la wareegeen sannadkii hore, Taalibaan waxay dejiyeen xannibaadyo dhammaan dhinacyada nolosha haweenka, iyagoo iska indhatiraya carada caalamiga ah.

    “Dhammaantiin waxa la idinku wargelinayaa in aad si degdeg ah u dhaqangelisaan amarkan lagu sheegay joojinta waxbarashada haweenka ilaa amar dambe,” ayuu wasiirka wasiiradda tacliinta sare Neda Mohammad Nadeem ku sheegtay warqad uu u diray dhammaan jaamacadaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

    Afhayeenka Wasaaradda, Ziaullah Hashimi, oo warqadda soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa farriin qoraal ah oo uu u diray AFP ku xaqiijiyay amarkan.

    Washington,ayaa ‘si adag’ u cambaaraysay go’aankan.

    “Taalibaan ma filan karto inay xubin sharci ah ka noqoto beesha caalamka ilaa ay ixtiraamaan xuquuqda dhammaan dadka Afghanistan ku sugan. “Go’aankani wuxuu cawaaqib ku yeelan doonaa Taliban,” ayuu Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ku yiri hadal uu soo saaray.

    Talaadadii,Afhayeen u hadlay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inuu “aad uga xumaaday” xayiraaddan.

    Mamnuucidda Waxbarashada sare,ayaa kusoo beegantay wax ka yar Saddex Bilood kadib markii kumannaan Gabdho iyo Haween ah ay imtixaanno jaamacadeed u fariisteen guud ahaan dalka, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay ku haminayaan in ay mustaqbalka u doortaan macallinnimada iyo caafimaadka.

    Jaamacadaha,ayaa hadda ku jira fasaxa xilliga qaboobaha,waxaana lagu wadaa in dib loo furo bisha March ee 2023.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.