Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Taalibaanka Pakistaan Oo Uhanjabay Dowlada Pakistaan
    Somalia

    Taalibaanka Pakistaan Oo Uhanjabay Dowlada Pakistaan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 29, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garabka hubaysan ee Taliban ee ka dhisan dalka Pakistan ee loo yaqaano Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP), ayaa ku dhawaaqay inay ku amreen dagaalyahanadooda inay qaadaan weeraro argagixiso oo ka dhan ah dawladda Pakistan, arrintaas oo soo afjaraysa xabbad-joojintii halka dhinac ahayd ee kala dhexeysay xukuukadda dalkaas.

    Ururka Talibanta Pakistan ayaa sheegay in goโ€™aankoodan inay ku saleeyeen iyaga oo kaga falcelinaya hawlgallada milateri ee ay dawladda Pakistan ku beegsanayso dagaalyahannadeeda ku sugan magaalooyin kala duwan ee ku yaalla dhinaca woqooyi galbeed ee dalkaas.

    โ€œHaatan waxaa lama huraan ah inaad weeraro ka geysataan meel kasta oo suurogal ahโ€ ayaa lagu yidhi goโ€™aanka ka soo baxay kooxda Talibanta Pakistan, iyada oo bayaankan u marisay dagaalyahanadeeda dhinaca warbaahinta, nuqul ka mida qoraalkaas waxaa heshay VOA.

    Kooxdan ayaa ku jirta liiska argagixisada ee Qaramada Midoobay iyo tan Maraykanaba, waxayna gacansaar dhow la leeyihiin kooxda Taliban ee ka talisa dalka Afghanistan.

    TTP ayaa sheegatay mas’uuliyadda boqolaal qaraxyo ismiidaamin ah iyo weeraro kale tan iyo markii ay ka soo shaac baxeen Pakistan 2007, waxaana weeraradaas ku dhintay tobanaan kun oo isugu jira rayid iyo ciidamada ammaanka ee Pakistan.

    Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada amniga ee Pakistan ayaa ku gacan seydhay sheegashada TTP isaga oo ku tilmaamay inay tahay marmarsiinyo lagaga baxayo heshiiskii xabbadjoojinta.

    “Haddii ay isku dayayaan in ay dib isugu abaabulaan halkan si ay u sameeyaan falal argagixisanimo, markaa waxaan xaq u leenahay inaan ka hortagno,”Ayuu sarkaalku u sheegay.

    Islamabad,ayaa aaminsan in tan iyo markii ay kooxda Taliban ay la wareegtay xukunka Afghanistan, inay iska indho tirtay hawlgallada ay wadaan Talibanta Pakistan, waxaana taasi ay fursad u siisay inay si xor ah, isaga kala gudbaan xuduudda labada dal iyaga oo qorshaynaya hawlgallo.

    Cabashadan,ayaa keentay in xukuumadda Taliban ay dhexdhexaadiso oo ay martigeliso wadahadal nabadeed oo muhiim ah oo u dhexeeya TTP iyo Dowladda Pakistan, taasoo horseeday waxa loogu yeedhay “xabbad-joojin hal dhinac ah” bishii Juun.

    Hase ahaatee saraakiisha Pakistan ayaa weli u arka inaan heshiiskaasi aanu xakamayn weerarada laga soo qorsheeyo gudaha Afghanistan.

    Masuuliyiinta Talibanta Afghanistan ayaase iyagu diiday in dalkooda laga soo abaabulo weeraro ka dhan ah dalalka deriska iyo kuwa kale ee caalamiga ahba.

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.