Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tahriibayaashii ugu badnaa oo ku Geeriyooday Xuduuda Maraykanka iyo Mexico
    Somalia

    Tahriibayaashii ugu badnaa oo ku Geeriyooday Xuduuda Maraykanka iyo Mexico

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 28, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ugu yaraan 46-Qof oo la rumeysan yahay in ay yihiin Dad Muhaajiriin ah,ayaa Meydkooda laga dhex helay Gaari ah nooca xamuulka qaada duleedka magaalada San Antonio, ee Gobolka Texas ee Dalka Mareykanka.

    Sargaal ka tirsan shaqaalaha dab damiska ayaa sheegay in 16 qof oo kale oo ay ku jiraan 4 caruur ah sidoo kale isbtaalka loola cararay.

    Dadkii ka badbaaday dhacdadani ayaa waxaa “aad u kululaa jirkooda” waxaana ka muuqtay daal badan.

    San Antonio, oo 250 km u jirta xudduuda Mexica ayaa ah waddada ay dadka soo mariyaan dad wax tahriibiya.

    Charles Hood, oo ah madaxa shaqaalaha dab damiska San Antonio , ayaa sheegay in shaqaalaha gurmadka degdega ah ay yimaadeen goobta ka dib markii ay heleen warar sheegaya in halkaasi uu yaallo qof meyd ah.

    Sida laga soo xigtay kanaalka KSAT TV, gaariga ayaa laga helay agagaarka waddooyinka tareenada ee dhanka Koonfur-galbeed ee San Antonio.

    Tiro badan oo shaqaalaha gurmad deg deg ah, oo ay ku jiraan booliiska, dab damiska, iyo gawaarida ambalaasta, ayaa la arkayay iyaga oo ku hareeraysan gaariga weyn ee meydadka laga dhex helay.

    Taliyaha booliiska San Antonio William McManus ayaa sheegay in baaritaanka hadda lagu wareejiyay wakiilo ka socda dowladda dhexe, saddex qofna ay xabsiga ku jiraan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.